Cyril Ramaphosa oo lagu wado inuu noqdo madaxweynaha Koonfur Afrika

0
21

K-Afrika (Saxilnews.com)-Mr Zuma ayaa cadaadis ballaaran kala kulmay xisbigiisa ANC oo ka dalbaday inuu iscasilo ama baarlamaanka loogu qaado codka kalsoonida.

Waxa uu iscasilaaddiisa kaga dhawaaqay khudbad uu habeenkii Arbacada qaranka uga jeediyay taleefishinka.

Ramaphosa oo madaxweyne ku xigeen ah ayaa sida uu sharcigu qaba noqonaya madaxweyne ku xigeen marka uu madaxweynuhu xilka baneeyo.

Wuxuu xilkan sii hayn doonaa ilaa iyo inta baarlamaanka dalkaasi uu madaxweyhne cusub ka dooranayo.

War qoral ah oo ay dowladdu soo saartay ayaa lagu sheegay in baarlamaanka uu madaxweyne cusub dooran doono manta.

Iscasilaada Zuma Kadib, maxaa u xiga Koonfur Afrika?

Jacob Zuma ayaa xilka Madaxweynaha Koonfur Afrika soo hayay tan iyo 2009, waxa uuna wajahayaa eedo dhowr ah oo musuq maasuq.

Iscasilaaddiisa ayaa waxa uu Zuma ku soo beegay dhammaadka khudbad dheer oo uu ku sheegay inuu aad uga soo horjeedo qaabka xisbiga ANC isaga ula dhaqmay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here