Saxilnews.com
Cuspitaalka Dhimirka Berbera Ayaa Kasoo Kabanayaa Diiftii Iyo Burburkii Gudidii Hore Ee Caafimaadka Berbera
February 3, 2015 - Written by admin

BERBERA (Saxilnews.com)-  Cuspitaalka Maskaxda Ee Berbera Ka Muuqa Mudooyinkii Ugu Danbeeyey Horumar Balaadhan oo kaga imanaysay dadka Qurba Joogta Gobolka saaxil eek u dhaqan wadamada yurub iyo ameerika waxa had akasocda cispitaalka guud ee lagu daaweeyo dadka dhimirka ee Berbera Dib Udhis Iyo Dayactiro lagu samaynayo Qaybaha Haweenka Iyo Raga Ee Cuspitaalkaasi , kaasi oo ay si toosa ucaawiyeen islamarkan udamqadeen qurba-joogta wadanka ustareliya waxaa socdo dhisamaha cusub iyo binaha qaybaha kala duwan

Balse waxaa hada umuuqda inuu yahay mid kasoo kabanaya burburkii iyo duruufihii ku xeernaa tan iyo intii ay yimaadeen Gudida Cusubi , Balse waxaa Meesha Kabaxay meelo jiray wakhtiyadii hore oo lunsan jiray hantida iyo caawinooyinka lasoo diro ama lagu deeqo dadka danyarta ah ee Maskaxda Ka Jirabana  kuna jira Cuspitaalkaasi dhimirka

MARMARKA DHISMAHA CUSUB

MARMARKA DHISMAHA CUSUB

.

Qaar Kamid Ah Dadka Buka Ee Kujira Xarunta

 

Waxaana Ay wararku Tibaaxayaan dadka soo caawin jiray cuspitalkaasi lagu qancinjiray marka lawaayo meelo ay wax mareen bulaacado iyo maqsino yar oo la jafjafay dadkaasi muxsiniinta ah ayaa gacanta dhabanka saari jiray taasi waxay bedsahay inay caawinadaasi intii ka danbaysay  tan iyo 2013kii dabayaadiisi ay kusoo dhacaysay gacanta maamulka gobolka iyo degmada taasina waxay bedashay inay wax uqabato caawinada soo gaadhaysa dadkaasi Jilicsan

Waxa Kale oo taasi kasoo horjeeda Oo jira qaar kamid ah qurba joogta oo ku dawarsada magaca masaakiinta maskaxda wax ka qabta oo lacago kaga soo urursada umada muslimka ah  ‘’ Alle Inshiisa Lagama Dhuuntee Iska Soo Tuffa Waxaad Cunteen’’  Waxay Kusocdaan Erayadaasi Dad Gaar Ah Oo is Garanaya’’

Berbera2002@gmail.com

Maxamed Adan

Berbera-somaliland

COMMENTS
Latest News