Saxilnews.com
CULIMAA’AWDIINKA HARGEYSA OO KHUDBADIHII SALAADA JIMCAHA KAGA HADLAY QABYAALADDA
October 13, 2017 - Written by cali abdilaahi

Somaliland waxa dhawaan looga dareeri doonaa Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland, taas oo ay ku tartami doonaan Murashaxiinta Xisbiyadda Waddani, Kulmiye iyo UCID.

Doorashaddan oo si weyn isha loogu hayo isla markaana ay ku gedaaman tahay Cabsi laga dareemay dhaqdhaqaaqyadda siyaasadeed ee Saddexdan Xisbi, ayaa haddana waxa barbar socota soo shaac baxa qabyaaladda Iyada oo fagaareyaasha kala duwan la isku weydaarsanayo tar sheegasho.

baraha ay bulshadu ku kulanto, fagaareyaasha siyaasadeed iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa si weyn looga dareemayaa qaawanaanta qabyaaladda oo la soo baxday uun doorashooyinkan 2017-ka.

madax dhaqameedka Murashaxiinta ku loolamaya kursiga madaxtooyadda ayaa noqday kuwo si qaawan ugu ololaynaya murashaxiinta soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadeed iyada oo ay ahayd in ay iib geeyaan barnaamijyadooda siyaasadeed.

hadaba iyada oo ay maanta ahayd maalin jimce ah ayaa qaar ka mid ah culimaa’udiinka Magaaladda Hargeysa waxa ay si weyn uga hadleen dhibaatadda ay keeni karto qabyaaladdu.

waxa ay si toos ah u soo qaateen murashaxiinta loomaya qaarkood oo ay madax dhaqameedkoodu ololaha uga horeeyeen axsaabta siyaasadda kuwaas oo la baadi doonaya kursiga ugu sareeya dalka sidii ugu fadhiisan lahaa markan murashaxa la reerka ahi.

waxa ay culimaddu baaq u direen bulshadda oo ay fareen in ay dhagaha ka furaystaan baaqyadda qabyaaladaysan ee ka soo burqanaya madaxda kala duwan ee siyaasadda iyo madax dhaqameedka.

 

COMMENTS
Latest News