
Ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea, Diego Costa waxa uusan ciyaari doonin seddax kullan kadib markii xiriirka ciyaaraha ee UK ay ku eedeeyeen inuu fowdo sameeyay intii ay socotay ciyaartii ay la dheeleen arsenal.
Costaayaa diiday dhammaan eedaha loo jeediyay oo la xiriira mid uu ciyaaryahanka difaaca Arsenal Laurent Koscielny uu kala tuuray marna wejiga gacanta uga daboolay, intay socotay ciyaartii sabtidii eek u dhammaatay 2-0 oo Chelsea ay ku badisay.
Costa, oo 26 sano jir ah, waxay kadib isku dheceen Gabriel, oo ciyaarta laga saaray kaddib, inkastoo ganaaxaasi karaka cas lagala noqday oo loo ogolaaday inuu ciyaari karo.
Kooxda Chelsea ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga “niyad jabeen” go’aankaasi.
Xannibaadda Costa la saaray waxa ay Chelsea ka saameyn doontaa inuusan u ciyaarin kulamada ay la yeelan doonaan Newcastle iyo Southampton ee ciyaaraha Premier League ga.