“Ciyaaro Aanay Xukuumaddu Sugi Karin Amnigooda Marka Horeba Inay Qabtaan Ayaa Qalad Ahayd”. Cali-Guray

0
23

Hargaysa (SAXILNEWS)-Ciyaaraha looma qabto inay waxyeelo taraan oy khasaare soo kordhiyaan waxana ka roon in la iskaba daayo. Dad aan meelna ehel uga ahayn ciyaaraha ama sports-ka marka iga gee uun loogu xil saaro saw maaha inu noqdo XAAJO NIN AAN OGAYNI INDHUHUU KA RIDAA. Waana dhibaatada salka u ah waxa ka qaldan ciyaaraha Kubadda. Malaha ahmiyadda aynu siinayno kubadaha iyo kharashka ku baxa ee dhimasho iyo dhaawac uu so kordhinaya waxa ka fiicnayd in looga wareego ahmiyaddana la siiyo dhinaca orodada dhaadheer oo dadkeenu ku fiican fiican yihiin hadii la hor mariyana ay guulo wax ku ool ah ka keeni karaan ilaa heer caalami ahna beegsan karaan. Kubadda cagta ciyaartooyga Somaliland ma aha kuwo jabsan maaha dhinaca heerka ciyaar tooda lakiin akhlaaqda ciyaaraha ayaad moodaa in ay kuwo badan caydh ka yihiin taas oo la odhan karo waxa ka dhiman barbaarintii iyo aqoontii macnaha ciyaarta Kubadda. Kubadaha Kolayga iyo shebagga( basketball and Vollyball) ayaa ka mid ahaa kuwa hadii loo hagar baxo si dhib yar loo hormarin karo.

 

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here