Saxilnews.com
Ciidamo Turki Ah Oo Iska Dhiibay Dalka Jarmalka + Sababta
November 17, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Germany (Saxilnews):- ka mid ah militariga Turkiga ee ku sugnaa xarunta NATO ee dalka Jarmalka ayaa megengelyo weydiistay dalkaasi.

Askartan oo ku sugnaa saldhig ku yaalla dhanka Koofur-Galbeed ee Jarmalka lama sheegin tiradooda.

Turkiga ayaa xidhay kumannaan ka mid ahaa shaqaalaha dowladda ka dib markii uu dhacay afgembigii fashilmay bishii July.

Xidhiidhka Jarmalka iyo Turkiga ayaa sii xumaanayay tan iyo markii uu dhacay isku deyga afgembigaasi.

Maamulka Berlin wuxuu walaac ka muujiyay xadhig wadareedka ay la kulmayaan dadka looga shakiyo inay afgembigaasi ku lug lahaayeen.

COMMENTS
Latest News