Wararka ayaa waxay noo sheegayaan in ciidamadan oo aad u tiro badan ay fulinayaan go’aamadii ay xukuumadda Somaliland kasoo saartay coolaada dabada dheeraatay ee u dhaxaysa labada beelood ee walaalaha ah ee wada dega deegaanadaasi,taas oo ciidamadan fulinayaa go;aamadaasi.
Ciidamadan oo gaashaaman ayaa waxa sida naloo sheegay ay la wareegeen amaanka deegaanadaasi iyaga oo sidoo kalena mamnuucay in qof hub sitaa uu dhex maro deegaanada,sidoo kalena saraakiisha ciidamadan ayaa bulshada deegaanada ka codsaday inay kala shaqeeyaan adkaynta nabadgaliyada deegaanada.
Deegaanadan koonfurta gobolka Sool ee ay ka aloosan tahay colaadu ayaa dhawaan badhasaabka gobolka Sool iyo saraakiisha ciidamada qaranka Somaliland kormeer ku tageen iyaga oo Bulshada deegaanada ka codsaday inay kala shaqeeyaan amniga isla markaana ciidanka usoo gudbiyaan ciddii ay uga shakiyaan inuu Khalkhal galinayo amaanka deegaanada iyaga oo sidoo kalena wacyigalino kala duwan oo ku saabsan muhiimada nabadgaliyada iyo dhibaatada colaada siiyey bulshooyinka kala duwan ee deegaanada,iyaga oo sidoo kalena kulamo kala duwan la yeeshay odayaasha iyo madax-dhaqameedka deegaanadaasi isla markaana kala hadlay xaaladda amaan ee deegaanadan.
Gabagabadiina xaaladda amaan ee deegaanada Koonfurta gobolka Sool ayaa hadda ah mid dagan oo xasiloon,wallow ay hadda bilaabmatay hirgalinta go’aamadii xukuumaddu kasoo saartay dhawaan colaadan riiqda dheeraatay ee u dhaxaysa labada beelood ee walaalaha ee Ood wadaagta ku ah deegaanada Koonfurta gobolka Sool,waxaana wali socota nabadaynta labadaasi Beelood ee walaalaha ah.