Ciidamada Turkiga uu Gudaha u Galay Ciraaq Iyo Xukuumada Baqdaad oo ka Hadashay Falkan

0
10

Mosul (Saxilnews.com)-Cutubyo ka tirsan ciidamada dawlada Turkiga ayaa gudaha u galay gobalka Mosul ee waqooyiga Ciraaq, tilaabadan oo ay xukuumada Ciraaq ku sheegtay mid lagu soo xad-gudbay madax-banaanideeda.
Ciidamada Turkiga ayaa hore u joogay bilihii lasoo dhaafay dhulka Kurdida ee waqooyiga Ciraaq oo ay xidhiidh weyn la leeyihiin, waxaana la sheegay inay hada usoo gudbeen dhanka nawaaxiga magaalada Mosul oo hada xarun u ah kooxda ISIS.

Gaadiidka dagaalka iyo ciidamada Turkiga ayaa la sheegay inay weheliyaan ciidamo ka socda Kurdida iyo waliba Jabhadaha Sunnida ah ee kasoo horjeeda kooxda ISIS.
Guddoomiyaha gobalka Mosul ee dalka Ciraaq Athel Nujaifi ayaa la sheegay inuu isagu dalbaday in ciidamada Turkiga ay gacan ka siiyaan la dagaalanka ISIS.
Balse Raysal wasaaraha Ciraaq Xaydar Al Abadi ayaa Saaka oo Sabti ah bartiisa Twitterka ku sheegay in Turkiga kusoo xad-gudbay xaduuda iyo madax-banaanida wadanka Ciraaq.
Xukuumada Baqdaad iyo dawlada Turkiga ayaa hore uga dhaxeysay xurguf la xadhiidh a dhanka Shidaalka Turkiga ka iibsado ismaamulka Kurdida ee Ciraaq, ganacsigaasi oo aan wax dhaqaale ah kasoo gelin xukuumada Baqdaad.
Imaanshaha ciidamada Turkiga ee gobalka Mosul ayaa sidoo kale caqabad ku ah qorshihii dawlada Ciraaq oo iyadu taageero ka hesha dalka Iran iyo Ruushka, arrintan oo markale sii adkeynsa xidhiidhka u dhaxeeya dalalkaasi.

Saxilnews.com
Berbera OFFICE

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here