Saxilnews.com
Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Ku Ruqaansaday Deegaano Ka Tirsan Somaliland Oo Ay Soo Gaadheen Wafti Ka Socda Maamulka Puntland+Dagaal Laga Cabsi Qabo Inuu Ka Dhaco Deegaanadaasi
February 13, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargysa(Saxilnews)Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaha hore ee gobolka Sool ay ku ruqaansadeen deegaano ka tirsan Somaliland oo ay soo gaadheen wafti ka socda maamulka Puntland.

Waftigan ka socda Maamulka Puntland ayaa waxay soo gaadheen deegaano hoos yimaada gobolka Sool oo ay kamid yihiin degmada Taleex iyo deegaanka Xalin,waxaana xubnahan ka socda maamulka Puntland hogaaminaya ninka wasiirka waxbarashada ugu magaacaaban maamulka Puntland oo lagu magacaabo Abshir Yuusuf Ciise.

Waxaana wararku sheegayaan in ciidamada qaranka Somaliland ay ku ruqaansadeen deegaanadaasi,waxaana laga cabsi qabaa in deegaanadaasi uu ka dhaco dagaal u dhaxeeya ciidamada qaranka Somaliland iyo ciidamada Maamuulka Puntland.

Maamulka Puntland ayaa iyagu maalmihii u danbeeyey faragalin qaawan ku haya deegaanada gobolada bariga Somaliland iyaga oo deegaanadaas ka wada qorshe ay doonayaan inay ku curdin-dhaadhiyaan qaranimada iyo amniga Somaliland.

 

COMMENTS
Latest News