Saxilnews.com
Ciidamada Dabdamiska Somaliland Oo Shaqooyin Cusub Ka Bilaabey Gudaha Magaalada Hargeysa + Nooca Ay Yahiin Shaqooyinkaasi
February 23, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Ciidanka Damdamiska qaranka Somaliland ayaa waxaa ay shaqooyincusub ka bilaabeen gudaha magaalada Hargeysa .

Shaqooyinkan cusub ayaa waxa ay yahiin in ay ciidankani meelo ay istaagaan ka sameysteen wadooyinka caasimada isla markaana ay qab qabtaan baabuurta yar yar ee loo yaqaano VITS ama Dukhaanta .

 

Baabuurtan yar yar ayaa waxaa dhawaan cashuur ku soo rogtey dawlada Hoose ee Hargeysa waxaana marka ay cashuurtaasi ay bixiyaan baabuurtan yar yari dhinac laga dhufan doona shaanbad ay ku sawiran tahay caalamada dawlada Hoose

COMMENTS
Latest News