Carwaddii 7-aad Ee Ganacsiga Somaliland Oo Maanta Hargaysa Laga Furay Iyo Madaxdii Kasoo Qeyb-gashay.

0
17

Hargaysa (SAXILNEWS)_Waxa maanta lagu qabtay Hotel Guuleed ee Magaaladda Hargaysa Carwaddii 7-aad ee Ganacsiga Somaliland,taas oo ay si wadajir ah usoo qaban-qaabiyeen Rugta Ganacsiga Somaliland Iyo Shirkadda AOA.Munaasiabaddii Furitaanka Carwadda,ayaa waxa kasoo qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah,Muuse Qaasim,Maayarka Magaaladda Hargaysa,Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland iyo Madaxda Shirkaddaha Waddaniga ah ee Isgaadhsiinta ee Dalka ka hawl-gala. Waxa halkaas hadalo kala duwan oo ku tacaluqa adeegyadda ay maanta usoo bandhigayaan Macaamiisha ka jeediyay baddiba shirkaddihii carwadda kasoo qeyb-galay,waxaanay sheegeen inay ku faraxsanyihiin inay Macaamiishooda la-wadaagaan Adeegyo casri ah,isla-markaasna talo sare leh. Gabo-gabaddii waxa halkaas ka hadlay Wasiirka Ganacsiga,waxaana uu si weyn usoo dhaweeyay tacabka baaxadda leh ee ay Shirkaddu galiyeen Dalka iyo maal-gashiga ay ku samaysteen,waxaana uu intaas raaciyay inay xoogga saari doonaan sidii loo dhiiri-galin lahaa Maal-gasshiga waddaniga ah iyo alaaba dalka lagu farsameeyo horumarintoodda. Carwaddan,ayaa la filayaa inay Todobaadkanba kasocoto Hotelka Guuleed ee Magaaladda Hargaysa.

 

 

MAXAMED ILKACASE

BERBERA2002@GMAIL.COM

HARGEISA OFFICE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here