Carwada lagu Soo Bandhigayo Wax soosaar Xeebaha Somaliland oo Hargeysa laga furay

0
22

“Dawlada Ethopia iyadoo qadarin siinaysa Muhiimada Kaluunka Waxay Sameysay wasaarada Kuluumeysiga, waxaanu rajeynaynaa inaanu Bilowno ganacsiga Kaluun”Wasiirka Ganacsiga dawlad deegaan Somalida Ethopia

Hargeysa (Saxilnews.com)-Carwo lagu soo bandhigayo muhiimada kaluunka iyo khayraadka baddaha Somaliland ayaa maanta laga furay huteel Guled ee magaalada Hargeysa.

Carwadan oo lagu soo bandhigay noocyada kala duwan ee kaluunka ku jira badaha Somaliland oo ay soo qabanqaabisay wasaarada kaluumaysiga oo adeegsanaysa haayado caalami ah waxaa kasoo qaybgalay madaxwayne ku xigeenka Somaliland, masuuliyiinta wasarada kaluumeysiga, wasiiro, Wefti ka socda dawlada deegaan soomalida Ethopia iyo shirkado maxaliya oo soo bandhigay noocyada kala duwan ee kaluunka ay kasoo jilaabtaan xeebaha Somaliland ee ay suuqyada u iib geeyaan.

Wasiirka Kaluumeysiga Somaliland oo munaasibada carwadan ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyhaya in bulshadeenu ay ka faa’idaysato khayraadka bada ku jira ee uu ka midka yahay Noocyada kala duwan ee kaluunka.

wasiirka ganacsiga Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Khadar Cabdi Ismaaciil  iyo wefti uu hogaaminayo oo shalay Hargeysa soo gaadhay ayaa ka qayb galay Carwada iyagoo sheegay in dawladdoodu mudnaan u siinayso Kalluunka waxaanu yidhi “Waxaa sharaf ii ah munaasibadan sida sare losoo agaasimay ee aad ku maamuusaysaan xaflada maalinta kaluumaysiga, Waxaanu jecelnahay hadaanu nahay dawlada deegaanka soomaalida ee Ethopia inaad na bartaan sida kaluunka loo isticmaalo.”

Wasiirka Ganasiga Dawlad Deegaan Ethopia oo hadalkiisa sii wataana waxaa uu yidhi “Xidhiidhka ganacsi ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Dawlada deegaanka somalida Ethopia waa mid qoto dheer, maaha mid dhawaanahan jiray waa mid soo jireena, dhanka ganacsiga waxaynu leenahay xidhiidh aad u way haday noqoto dhanka xoolaha iyo maciishada kaleba, waxaan rajeynaynaa hadana inaan kusoo dari doono dhankii kaluunka, heer qaran markii hore may jirin wasaarad kaluun laakiin mudooyinkii u dambeeyay e sanadahan cusub ka Ethopiya ahaan waxaa la aasaasay wasaarad kaluunka iyo xoolaha, awalna may jirin waxay taasi ku tusaysaa ahmiyada balaadhan ee kaluunka”

Carwadan saaka  ka furantay Huteel Guuleed ee Hargeysa waxaa ay soconaysa mudo saddex cisho iyadoo dadka kasoo qayb galaya carwadanina ay iibsanayaan kaluunka noocyadiisa kala duwan ee dalka laga helo.

 

 

Saxilnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here