Saxilnews.com
CAR HADASHII MAANAY DHAMAAN HORTA
January 10, 2020 - Written by admin

Harta Sheekh (Saxilnews.com)- Maalinba wax kaa yaabiya ayaad arkaysaa !!
Dhawaan waxa magalaada harta yimi wafti kormeer ah oo ka socday madax-tooyada kuwaas oo maray badi inta badan degmooyinka gobolka fafan iyo qabalayada hoos yimaad, ujeedka socodkan ayaa ahaa u kuur gallid iyo qiimayn ay ku wadeen habsami u socdka shaqooyinka degmooyinka

waftiga waxaa ka danbeeyay koox warbaahinta VOSS tv ka socotay oo iyaduna martay gobolo iyo degmoyin badan ujeedkooduna ahaa inay soo ogaadan xogta dhabta ah ee deegaamada ka jirta

haddaba goobaha ay wafuuda kala danbaysay, mareen waxaa ka mid ahayd magalada harta sheekha, oo runti ah meel baahiyo badan ka jiraan una baahnayd cid waraysata ama xog ka gudbisa
naasiib wanaag waftigii iyo magaaladu si wacan bay isku qaabileen iskuna xog waraysteen, meelaha mihimadda aaad loo siiyay waxaa ka mid ahaa dugsiyada waxbarashada, goobaha caafimaadka, jidadka iyo waraysiyo gaara oo shacabka lala yeeshay

Meelaha baahiya ka jira aad loola yaabay waxa ka mid ahaa dugsiga sare ee DR ABDIMAJIID HUSSEIN kaaso sheegay
in muddo shan sanno ah aan la siin manhajka waxbarasho ee glasska 12aad sido kale aan 2 sanno ee u danbeeyay aan la siin wax hawl fulin ah taaso bil walba u heli lahaa 12 kun oo birr

haddaba arinka la yaaabka leha ayaa ah in maamulihi dugsiga sare md Ahmed deeq oo ahaa shakhsiga xogta siiyay cidii timi, in lagu qabsado oo u qabsado xafiiska wax- barashada ee degmadu isagoo le maxaad u sheegtay dhibka jira maad qarisid
intaa kuma eekaana waxaa uu maanta u keenay warqad uu ku sheegay eri iyo in xilkii laga qaaday isaga oon raacin wax sabab ah oo ninka xilka looga qaadayo, marka laga reebo cadho ka kacday arrinki shacabka iyo dawladaba ka qarsoona ee u sheegay maamuluhu

Arrinkani ma yahay mid loo dulqaadan karo haddi se ay tani maant dhacdo maxa xigi doona ?

 

W/Qoray Mahamed Huseen Cumar

Harta Sheekh / Faafan

COMMENTS
Latest News