Saxilnews.com
Cali Khaliif Oo Maanta Dhagax-dhigay Garoon Diyaaradeed + Sawiro
February 18, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Widh-widh (Saxilnews) Madaxweynaha maamulka Khaatumo Professor Cali Khaliif Galeydh ayaa maanta magaalada Widh-widh ka dhagax dhigay garoon diyaaradeed.

Waxaana dhagax dhigan kala qayb qaatay madaxweynaha badi bulshada magaalada Widh-widh.

Waxaana munaasibadii dhagax dhiga garoonka diyaaradaha ee Widh-widh ka soo qayb galay badi dadweynaha ka kala yimid magaalooyinka Buuhoodle, Kalabeydh, Xidhiidh iyo deegaano kale.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa ugu baaqay qurba-joogtu inay siweyn uga qayb qaataan dhisitaanka garoonkan diyaaradaha ee magaalada Widh-widh.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News