Cadaymaha Askar iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Soomaaliya oo ku dhintay Dagaalka Laascaanood

0
562

Laascaanood (Dawan)- Askar iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dawladda Soomaaliya oo ka garab dagaalamayey kooxaha gulufka ka wada Magaalada Laascaanood, ayaa ku dhintay Dagaalkaasi, waxaanay qayb ka ahaayeen maleeshiyaadka weerarka ku haya fadhiisimada Ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sool.

Askartan iyo Saraakiisha gudaha Laascaanood ku dhimatay ee Ciidanka Soomaaliya ka tirsan, ayaa waxa kamida Sarkaal lagu naanayso Carabay oo ka tirsanaa Ciidanka loo yaqaano Gorgor ee ay Dawladda Turkigu u soo tababartay Maamulka Soomaaliya, kaasoo sida la aaminsan yahay isaga iyo Ciidan kale oo badan ay gudaha Laascaanood soo galeen intii ay taagnayd shaqaaqada Magaaladaasi ka socota.

Cadaymaha dhimashada sarkaal derejadiisu ahayd saddex xiddiglaha, waxa xaqiijiyey qaar kamida Ciidamadiisa iyo dad aqoon u leh oo ka tacsiyadeeyey baraha bulshada, iyadoo sawirkiisa si aad ah loogu baahiyey warbaahinta.

Waxa kale oo la xaqiijiyey inuu dagaalka socday maalmihii la soo dhaafay ee Laascaanood uu ku dhaawacmay Sarkaal lagu magacaabo Col. Cali Jaamac Xaashi (Cali Dhafoor), kaasoo kamid ahaa hogaamiyeyaasha Ciidan ka tirsan Maamulka Puntland oo fadhigiisu ahaa deegaanka Daarusalaam, halkaana ka soo dagaal galay.

Col. Cali Dhafoor, ayaa ka soo jeeda Beesha Majeerteen, waxaana la rumaysan yahay in isaga iyo Ciidan uu wataa soo galeen gudaha Laascaanood todobaadyadii u dambeeyey.

Kuma koobna oo kaliya labadan sarkaal Ciidamada ka tirsan Dalka Soomaaliya ee ka qayb-qaadanaya Dagaalka lagu soo qaaday Magaalada Laascaanood, balse waxa jira tiro intaas ka badan oo saraakiil iyo Askar isugu jira oo la aqoonsaday magacyadooda iyo deegaamada ay ka yimaadeen, kuwaasoo ilaa shan kamida sawirradooda aanu helnay, dhamaantoodna ah dhalinyaro ku jiray Ciidankii Turkigu soo tababaray Maamulka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Gorgor.

Dawladda Somaliland ayaa hore u sheegtay inay xooggag shisheeye oo fidmo-wadayaal ahi duullaan ku soo qaadeen Magaalada Laascaanood, kuwaasoo ka shidaal qaadanaya meelo kala duwan, isuguna jira kooxo Argagixiso ah iyo maleeshiyaad ka yimi Maamulka Soomaaliya ee Puntland.

Warbaahinta caalamka iyo ta gudaha ayaa hore u soo bandhigay wajiyada saraakiil xidhiidh la leh Kooxda Alshabaab oo Laascaanood ka dagaalamaya, waxaana hadda cusub inay dagaalka qayb ka yihiin Ciidan iyo hogaamiyeyaal ka amar qaata Dawladda aan iskeed isu maamulin ee Soomaaliya oo ay Beesha Caalamku siiso Ciidankeeda mushaharka iyo saadka, taasoo iyaduna waji kale u yeellaysa xiisada colaaddeed ee taagan.

Waxaanay tani sii xumaynaysaa cawaaqibka dagaalkaasi oo ay xukuumaddu deddaal badan gelisay sidii looga baaqsan lahaa, balse ay hurriyeen darafyada duullaanka ah ee doonaya inay Magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool noqdaan mandaqad hoy u ah nabad-gelyo darro iyo xasilooni la’aan.

Arrimahan ayaa hal-xidhaale ku ah Isimada dhaqanka iyo guddiyada rayidka ah ee ku dooddaya in dagaalka ka socda Maagalada Laascaanood uu u dhexeeyo Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhalinyaro deegaanka ah oo hubaysan, kuwaasoo ay taladoodu sababtay qaraxa Dagaalka dhiigu ku daadtay iyo inay Magaaladaasi gabood u noqoto kooxaha dagaalyahannada ah ee kala ujeeddooyinka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here