Cabsida Muuse Biixi Oo Xalayto Laga Dareemay Caasimadda Hargeysa Iyo Ciidamo Tiro badan Oo La Geeyey Gurrigiisa Iyo Waddooyinka Ku Gadaaman

0
10

Hargeisa (SAXILNEWS)_Waxa xalayto qeybo ka mid ah magaaladda Hargeysa la dhigay ciidammo boolis ah oo aad u tiro badan, ka dib markii maanta ay xukuumadda ku meel-gaadhka ah ee Madaxweyne Siilaanyo iska casileen shan Wasiir, Saddex Wasiir Ku-xigeen Iyo Afhayeenkii Madaxtooyadda Somaliland. Xukuumaddu waxay xalayto tallaabadaasi kaga jawaabtay inay xaalad abuur samayso, waxaanay jidadka muhiimka ah intooda badan dhigtay ciidamo boolis ah. waxaana Gurriga Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, lagu wareejiyay ciidan aad u tiro badan oo ilaalinaya, iyadoo wadooyinka ku gadaaman gurigana ay daadsan yihiin ciidammo tiro badan oo iskugu jira Boolis iyo milatariba. waxa la sheegay in tallaabada Wasiirradii ugu badnaa hal mar iskaga casileen xilalkii ay ka hayeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay noqotay bilowga burburka xisbiga KULMIYE oo Madaxweyne Siilaanyo ka dib markii Guddoomiye Muuse Biixi uu Madaxweynaha iyo afadiisa ka dalbaday in doorashadda xisbiga kali uu ku noqdo maadaama oo aanu tartan geli karin oo murrashaxiinta la loolamaysaa ay ka hanteen inta badan xubnaha golaha dhexe. Ciidammaddan ayaa ka dambeeyay markii sida la sheegay Madaxweynaha Somaliland uu galabta shir deg-deg ah la yeeshay taliyeyaasha ciidammadda qalabka sida ee Somaliland oo uu faray inay qaadaan hawl-galo ay ku adkaynayaan ammaanka caasimadda Hargeysa isla markaana ay tallaabo ka qaadaan ciddii ay u arkaan inay nabad-gelyadda wax yeelayso. Ciidanka lagu wareejiyay Gurriga Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu tusmaynayaa kalsooni darrada murrashaxa tartan diidka ah.

 

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here