Qaar Ka Mid Ah Madax-dhaqameedka, Haweenka Iyo Dhalinyarada Ka Soo Jeeda Gobalka Maroodi-jeex Oo Si Adag Uga Digay gollaha Guurtidu

0
13

Qaar Ka Mid Ah Madax-dhaqameedka, Haweenka Iyo Dhalinyarada Ka Soo Jeeda Gobalka Maroodi-jeex Oo Si Adag Uga Digay gollaha Guurtidu .
Hargeysa(saxilnews):-Qaar ka mid ah madax-dhaqameedka, haweenka iyo dhalinyarada ka soo jeeda gobalka Maroodi-jeex, ayaa si adag ugu digay muddo kordhin sanad ka badan oo ay golaha Guurtida Somaliland u sameeyaan xukuumada madaxweyne Siilaanyo, waxaana ay sheegeen in aanay marnaba aqbali dooni muddo kordhin aan sharci ahayn oo loo kordhiyo xukuumada Siilaanyo, iyaga oo sida oo kalena ka digay cawaaqib xumo ay sheegeen in ay ka dhalan karto muddo kordhin uu guddoomiye Saleebaan u sameeyo xukuumada Siilaanyo.
Madax-dhaqameedka, haweenka iyo dhalinyaradan, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa, waxaana ay sida oo kale sheegeen in muddo kordhin aan sharci ahayn oo lo sameeyo xukuumada Siilaanyo ay sumcad xumo ku tahay hanaankii geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland, waxaana ay tibaaxeen in ay dhaawac xooga u gaysanayso hay’addaha caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka.
“Annagu hadaanu nahay haween weynaha Maroodi-jeex waxaanu si weyn aanu u taageersanahay oo aanu aad iyo aad u taageersanahay mudaas la isla qaatay ee la cayimay, waxaana aanu soo jeedinaynaa in sanadkaas la isla qaatay wax ka badan aan marnaba la kordhin, raalina kama aanan ka ahayn sanadkaas wax ka badan.”.Ayey tidhi mid ka mid ah hawenka halkaasi ka hadlay.
Mid ka mid ah madax-dhaqameedkii isna halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu yidhi;”Waxa weeyaan dalku waa dimuqraadi oo doorasho ayaa ka jirta, waxa weeyaan guurtidu doorasho kumay iman, anigu guurtida waxaan leeyahay marka horeba waxaa ay ku fadhiyaan waa xaaraan, wax Alle iyo wax Allaale oo aanu ka dhagaysanaynaana ma jiraan mana ictiraafsanin, guurti doorasho ku timi ayaanu rabnaa, ma rabno odeyaal gaboobay oo qaar dhinteen oo meesha uun soo yuu’ rura, oo Guurtida uun la hayo, imikana waanu uga digaynaa in ay muddo taa Komishanku ku dhawaaqay ka badan ay sameeyaan.”.
Ugu danbeyntiina cuqaashii halkaasi ka hadashay oo iyaguna si aada u dhaliilay hanaanka uu wax u wado Saleeb Gaal, ayaa waxaa ay tilmaameen in ay tahay mid aan marnaba la aqbali karin.”Wax muddo kordhin ah oo aanu aqbalayno maaha, qoraalna waanu u soo samaynaynaa guurtida, waa aanu soo galaynaa, waxa weeye wax la qaadan karo maaha, waxbaa la kordhiyeyna waa saqajaanimo, waxaa ay meel ka dhac ku tahay aduunyada iyo caalamka doorashooyinka ka shaqaynaaya, dimuqraadiyada ayey sida oo kalena meel ka dhac ku tahay.annaga ayey meel ka dhac nagu tahay iyo shacabka reer Somalilad-ba, Saleebaan waxaan leenahay hadalkaas shaydaan ayaa kaa keenay saddexda xisbi qaran ayaa isu yimi iyo Komshanka waxbay isla meel dhigeen, waxiina waad ka daba tagtay wana aad furfurtay.”.
(saxilnews)

wariye faizal aden ismail
engfaizaladen@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here