Saxilnews.com
Boqor Buur Madow Ayaa Sheegay Inay Suuro Gal Tahay In Madaxwayne Siilanyo Xilka Loo Kordhiyo,
February 5, 2015 - Written by admin

Maxamuud Buur-madow,oo ka tirsan Hogaanka dhaqanka Somaliland,gaar ahaana ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo ayaa Badka soo dhigay qorshe Beeshiisu ku doonayso in Madaxweynaha ugu yaraan 2 sanno loogu kordhiyo. Waxa uu ku dooday in rabitaanka beel ahaani tahay mid reer Somaliland Caado u ahayd oo hogaamiyeyaasha soo maray oo dhan wakhtiga loo kordhiyay, balse aan dastuurka ku salaysnayn.

.

Boqor Buur-madow oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa,ayaa sheegay inuu Xisbiga Waddani oo aad u raba in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo uu kula taliyay inay fursadi ugu jirto muddo kordhinta Madaxweynaha.

 “Anigu Mawqifkayga hore Ayaan wax badan uga Hadlay, Qoladan Wadani ee Aanu Saaxiibka Nahay waxaan ku idhi Haddii Aad Doonaysaan in Ay si wanaagsan wax inoogu dhacaan(Doorashada aad heshaan),Odayguna waa uu soo shaqeyee waa in Laba Sano Loo Kordhiyo.” Ayuu yidhi Boqor Buur-madow.

Boqorka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in la kordhiyo Wakhtiga Madaxweynaha “Anigu Taas waan Qabaa ka beel Ahaana waanu qabnaa in Loo Kordhiyo,waxaana Weeyaan Cabdiraxmaan Aw Cali Laba Jeer Ayaa loo kordhiyay,Daahir Riyaale-na Saddex Jeer ayay Ahayd,Maxamed Xaaji ibraahin Cigaal Dhawr Jeer Ayay Ahayd,Maxaa Anaga noo Diidaya”

Qorshahan Muddo kordhineed ee isaga,Beeshiisa iyo Madaxweyne Siilaanyo damacsan yihiin waxa uu ku macneeyay Boqorku inaanay ahayn Mid dastuuri ah balse ay tahay Diriiq Somaliland soo martay “Annagu Beel ahaan Sidaas(Muddo Kordhin) ayaanu Wadnaa Laakiin Yeelkeede kama Boodayno Komiishanka Doorashooyinka,Golaha Guurtidana Rajo Fiican ayaanu ka qabnaa,Somaliland way Garanaysaa Wixii Xeer u ahaan Jiray,Hadii La kordhiyo Balo dhicimayso Awalna May dhici Jirin,Lakiin Cidii Ka Leexisa Sidii Ay ahaan jirtay ee tidhaa Dhici Mayso iyada og Bal Halka Ay kuwado,waana qasab in La kordhiyo,Laakiin Tii Dastuurka iyo Xeerarku waa Halkeeda Laakiin Sidani waa Fikirkayga”

Boqor Buur-madow,waxa uu sheegay inaanu Madaxweyne Siilaanyo mar dambe isku soo taagi doonin doorashada haddii loo kordhiyo wakhtiga “Anigu waxaan leeyahay Madaxwaynaha somaliland Marka Loo Kordhiyo Labadaas Sanadood Mar danbe isku soo taagi Maayo Doorasho,Cida uu xisbiga ka soo saarayo isaga Ayay jirtaa,Lakiin wax haboon in Ladaayo inta uu dhamaynayo wadada Ceerigaabo.” Ayuu yidhi Boqor Buur-madow.

Boqor Buur-madow oo sida la ogyahay Mucaarad ku ahaa Bilawgii muddo xileedka Madaxweyne Siilaanyo ayaa la waydiiyay sababta uu Mawqifkiisa ugu bedelay taageerida Madaxweyne Siilaanyo waxaanu ku jawaabay ““Anigu Kuma Lahi Xisbiga Kulmiye Waan Tageersanaha Lakiin Madaxwaynaha Somaliland Waxqabadkiisii waa uu bidhaamay,Daahir Riyaale Saaxiib ayaanu ahayn waan Tageeri Jiray,Maxamed Xaaji ibraahin isagana waan tageeri Jiray,Cabdiraxmaan Aw Cali Beeshayda oo dhan oo wada Mucaaradi Ah ayaa Tageeri jiray,Xukuumada Hada Jirta Aan runta shegee Odayga oo kaliya Ayaan ka Tageer sanahay”

Hadal haynta muddo kordhinta Madaxweyne Siilaanyo waxay ahayd mid Bulshada Somaliland iyo Mucaaradkaba ay si wayn uga dheragsanaayeen balse waxaa haatan cusub qorshaha beelaysan ee aan Sharciga ku salaysnayn.

Dastuurka Somaliland ayaa dhigaya inay muddo kordhintu iman karto wakhtiga ay jiraan arrimaha amaan darro ama dhibaato kale oo suuro galin wayda doorasho wakhtigeeda ku dhacda.

SAXILNEWS//OFFICE

HARGAYSA SOMALILAND

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News