Saxilnews.com
BOORAMA: Askari Ka Tirsan Ciidanka Oo La Dilay Iyo Taliye La Dhaawacay
August 11, 2015 - Written by admin

Boorame(Saxilnews.com)”Askari ka tirsan ciidanka qaranka ayaa toogasho ku dilay laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada aaga galbeed ee ku sugan magaalada Boorama.
Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa BBC-da u xaqiijiyay toogashadaasi.

Mudane Ramaax Waxaa uu sheegay in gaashhanle sare Xasan Caqli uu qabo dhaawac helis ah, haatana lagu daweynayo cisbitaal ku yaalla magaalada Boorama, halka xiddigle Faarax Carraale uu goobta ku geeriyooday.

Gudoomiye Ramaax waxa uu intaa ku daray in askariga toogtay saraakiishan oo ku sugnaa xerada milateriga ee magaalada Boorama markiiba la qabtay oo uu hadda xidhan yahay.

Waa sarkaalkii afaraad ee ka tirsan ciidammada Somaliland oo labadii sano ee u danbeeyay ay toogtaan askar ay u talinayeen.

By Mahamed Hassan Aadam(Faradeero)
WWW.Saxilnews.com

COMMENTS
Latest News