Saxilnews.com
Booliska addis ababa oo qabtay nimaan afduubay gabadh da yar”””
August 17, 2015 - Written by admin

Etopia (Saxilnews.com)-Ciidamada amaanka ee caasimada Itoobiya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 3 nin oo gabadh da’adeedu tahay 9 sano afduubay. Nimankan ayaa gaadhi kula tagay gabadha kadibna la waayey.

 

Booliska ayaa sheegay in nimankan la qabtay kadib markii ay isku dayeen in lacag nus malyuun birr ah oo madax-furasho ah ay ka qaataan waalidka gabadha dhalay. Dableyda ayaa khadka talefaanka dhawr jeer ku dalbaday lacagata intii aan la qaban ka hor.

 

Nimaanka uu ku nool xaafada Boole ee caasimada ayaa la sheegay in lagu qabtay hub iyo qalb kale oo ay doonayaan in ay ku fuliyaan danbiyo kale.

 

Warbixinta ciidanka amaanka ayaa xustay in gabadhii yareyd waalidkeed dib loogu celiyey, halka dambiilyaashina weli lagu wado baadhis dheeraad ah.

maxamed xasan

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News