Saxilnews.com
Boliska Kenya Oo Shaaciyey Magacyada Saddex Nin Oo Ka Tirsan Al-Shabaab
August 19, 2015 - Written by admin

Nairobi( saxilnews)-Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay magacyada saddex nin oo la rumaysan yahay inay yihiin xubnaha ugu waa-wayn ee kooxda Al-Shabaab u qaabilsan askaraynta dhallinyarada Kiinyaanka ah.

Saddexda nin oo markii hore ka howlgali jiray gudaha Kenya ayaa hadda saldhig ku leh gudaha Soomaaliya, warbixinta booliska ayaa lagu sheegay.

Saddexda nin ayaa kala ah

 

  1. Cabdifataax Abubakar Axmed,
  2. Ramadan Hamisi Kufungwa iyo
  3. Axmed Iman Cali.

 

Booliska ayaa sheegay in dhallinyaro badan oo ay raggan tashkiiliyeen ay Soomaaliya u aadeen tababar, deetana ay ku laabteen Kenya si ay uga qeyb-qaataan weerarada argagaxiso ee ka dhacaya Kenya.

 

 

 

 

maxamed xasan

 

 

Saxilnews005@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News