Saxilnews.com
Biriij Cusub Oo Laga Dhagax Dhigay Xaafada Maxamed Mooge Ee Magaalada Hargeysa + [ Sawiro / Muuqaal ]
September 22, 2019 - Written by cali abdilaahi

Hargeysa (Saxilnews.com):- Xafaada Maxamed Mooge ee Konfurta Magaalada Hargeysa ayaa waxaa saaka laga dhagax dhigay dhismaha Biriij cusub oo isku xidhi doona Xaafada Digaale iyo xaafada Maxamed Mooge

Dhismaha Biriijkan ayaa waxaa maal galinaya Ganacsaha Shirkada China Hona Group  C.Risaaq Cumaani , waxaana biriikan dhagax dhigay guddida Xafaada Maxamed Mooge , Siyaasiyiin iyo xildhibaan Qaylo Weyne

Dadka deeganka ayaa baahi weyn u qabay biriijkan waxaana madasha laga jeediyey hadalo mahadnaq u badan

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News