Boorama (SAXILNEWS)_dhaq-dhaqaaqyo xoogan iyo kulamo gooni-gooni ah, ayaa la dhex dareemaya gudaha magaalada Boorama, kaddib markii maalintii shalay uu is-casilay Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenkii Xisbiga Ucid C/rashid Xasan Mataan. Kulamadan ayaa ujeedkoodu yahay xulashada Musharraxa Madaxweyne ku-xigeen oo tayo leh. Isla markana ay usoo buuxin lahaayeen qofka ku haboon qabashada xilkaas, kasoo adkeysi Siyaasadeed leh.
Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa wararka laga helayo tibaaxen, in Beesha Jibriil Yoonis Samaroon ay go’aansadeen inay booskaas kusoo bedeshaan qof saameyn weyn ku dhex leh Beesha, kaasoo ay xulashadiisa kulamo iyo tashiyo ka yeesheen. Waxa kale, o xoggaha kasoo baxay tilmaamen in Beesha Jibriil Yoonis Samaroon ay soo nooleynayaan rajada xun ee uu muujiyey C/rashid xasan Mataan oo ay qaar kamid ah Beeshu ku tilmaantay shaqsi nugul oo aan siyaasadda waxba ka aqoon, isla markana aan lahayn hadaf siyaasadeed oo cad, halka kuwo kale-na ay ku tilmaamen Nin hog ku riday Mustaqbalkiisi Siyaasadeed.
Geesta kale, waxa Wararku sheegen inay Odayaasha iyo Waxgaraadka Beesha Jibriil Yoonis Is-casilaadii C/rashid Xasan Mataan uu ku sameeyey Saaxibkii Jamaal Cali Xuseen oo soo geliyey xayn-daabka Siyaasadda awgeed Xaal uga keenaan arrintaas. Sidoo kale, waxa ay xoggaha kasoo baxay kulannadaasi sheegen in uu Cabdirashiid ugu talo-galay inuu xummeeyo xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyey Beesha Ciise Muuse iyo Beesha Jibriil Yoonis oo gacan saar Siyaasadeed lahaa waqtii dheer. Waxa kale, oo Wararku intaa ku dareen in Musharraxii is Casilay aanu Boos uga banaaneyn Xisbiga Waddani maadama oo anu golaha dhexe iyo Xisbiga midna tacab iyo xubinimo uga banaanayn sidaasi daradeena ay beesha Jibriil Yoonis damacsan tahay inay booskaa keensato qof saameyn lexaad leh ku leh siyaasadda geeska iyo gudahaba.
Si kastaba aha ahaatee Beesha Jibriil Yoonis Samaroon waxa ay is-casilaadii Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenkii Ucid ku qaabishay inay Booskaas keenaan shaqsi ka miisan badan oo shacbiyad wata, waxana la filaya in maalmaha fooda inagusoo hayaa ay Beeshaasi keento Musharrax miisaan ku leh Gobolka Awdal kaasoo ay ku xigeen uga dhigi doonaan Musharraxa Madaxweynaha ee Ucid Jamaal Cali Xuseen.