BARCELONA OO QARKA U SAARAN INAY SAMAYSO TAARIIKH CUSUB IYO REAL OO JOOJISAY WADA XAAJOODKII LEWANDOWSKI

0
20

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa qarka u saaran inay taariikh cusub dhigto, ayada oo guuldarro la’aan ku dhameysaneysa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Naadiga Camp Nou ayaa xalay 5-1 kaga adkaatay kooxda Villareal, waxayna hadda u baahan tahay kaliya inay guuldarro iska ilaaliso labada kulan ee ka harsan horyaalka.

Barcelona ayaa axadda wajihi doonta kooxda Levante oo ay u safri doonto, ayada oo kulanka ugu dambeeya horyaalka la cayaari doonta Real Sociedad, 20-ka May.

Kooxda Real Madrid ayaa ah kooxdii ugu dambysay ee guuldarro la’aan qaada horyaalka Spain, waxayna sidaas sameysay xilli cayaareedkii 1931-32, markaaasi oo kooxaha horyaalka ay ahaayeen 18

koox.

Dhinaca kale Kooxda Real Madrid ayaa joojisay wada-hadal ay kula jirtay weeraryahanka kooxda Bayern Munich, Robert Lewandowski, sida uu sheegay taleefishinka Sky ee dalka Jarmalka.

Xiddiga caalamiga ah ee dalka Poland, ayaa waxaa si aad ah loola  xidhiidhinayey inuu xagaagan ku biirayo naadiga Bernabeu, hase yeeshee naadiga Real ayaa soo afjaray wada-hadalladi wakiilka Lewandowski.

Madaxa fulinta kooxda Bayern, Karl-Heinz Rummenigge ayaa ku adkeystay in 29 jirkan uu la sii joogi doono naadiga horyaalka jarmalka haysata.

Waxa uu u sheegay wargeyska Kicker “Ma ahan inay ka welwelaan Robert Lewandowski iyo xidhiidhka  uu la leeyahay Bayern, waayo waa xidhiidh  aad u wanaagsan. Waxaan ku faraxsanahay inuu nagula jiro qandaraas muddo fog”.

Karl-Heinz Rummenigge ayaa intaas ku daray in Lewandowski uu xilli cayaareedka soo socda kasii mid ahaan doono Bayern.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here