Saxilnews.com
AYAXA IYO DHIBAATADA UU KU HAYO DEEGAANADA SOMALILAND! WARBIXIN;SUXUFI MUSTAFE DHEEREEYE.
June 27, 2020 - Written by editor

Hargeysa(saaxilnews.com)-Waxa Deegaannada Soomaalida laga soo sheegayaa Ayax ku habsaday, kaas oo dhibaatooyin waaweyn u gaystay dhulkii wax-soo-saarka iyo Xoolo-daaqeenka isugu jiray.

Ayaxan ayaa isugu jira  Ayax Koronkoro ah iyo mid waaweyn oo qaan-gaadhay, iyadoo uu Ayaxani sannadahii u dambeeyay ku soo badanayay meelo ka mid ah Bariga Afrika. Haddaba, sida  laga sheegayo qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ayaa ku tilmaamay kii ugu xumaa ee gobolka ku habsada muddo ka badan lixdameeyo sanno.

Ayaxan doolka ah ayaa dhibaatooyin baaxad leh u gaystay dhul-beereed aad u ballaadhan oo ku kala yaala wadammada Somaliland, Ethiopia iyo Soomaaliya. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO, ayaa waxay sheegeen in Ayaxani uu halis ku yahay wixii  dadku ay cuni lahaayeen, waana weerarkii ugu xumaa in ka badan qarni badhkii.

Deegaannada Somaliland waxaa qayb weyn ka qaatay in uu Ayaxaasi degel-fadhi ku noqdo Roobab duufaano wata oo ka da’ay dhinaca xeebaha iyo dhulka hoose ee gubanka loo yaqaano taariikhdu markii ay ahayd May 2018, waana xiliyadii ay dhacday duufaantii Sagar.

Xiliyadaas aan sheegnay, waxuu Ayaxani ukuntiisa dhigtay dhulka jilicsan ee xeebaha iyo meelo kale oo ka tirsan deegaannada ay Soomaalidu degto.

Gobollada Awdal iyo Selel oo aan safar shaqo ku soo maray, ayaa waxaan la kulmay deegaano uu fadhiyo iyo meelo uu ka duulay oo dooggii iyo baadkii ba uu murxiyay, deegaannadaasi   waxuu ka dhigtay xarumo uu ku dhalo oo ku aasto Ugaxanta, isla markaana uu kaga duulo dalalka Somaliland la jaarka ah.

Ayaxan koronkorada iyo ka qaangaadhka ah, ayaa waxuu maraa marxalado ilaa Lix marxaladood ah oo kala halis badan marka la eegayo dhinaca dhibka uu geysto ayaxu guud ahaan, marxaladaha koowaad iyo labaad ayaa ah marxaladda uu dillaaco, waana marka uu muuqaalkiisu u eegyahay Jinnaca inta badan waxaanu yeeshaa midab madaw ah.

marxaladaha saddexaad ama afraad ayaa waxuu isku beddelaa midab huruud ama Jaale ah, waana xiliga uu saqaafo ee uu socod iyo daaqis ku dhameeyo, Nabaadka  xiliga afraad ilaa shannaad waxuu yeeshaa midab Casuus ah, waana xiliga uu qaan-gaadhka noqonayo, ugu dambayntii waxuu u xuubsiibtaa midab Huruud iyo Caddaan isugu jira, waana marka uu labka iyo dheddigiisu isku tagaan, waana xiliyada uu u diyaar garoobo in uu dabada dhulka galiyo oo Ugaxantiisa kaga tago halkaasi, waxaanay ku dillaacdaa dhibica ugu horeeya ee Roobka.

Xiligan qaangaadhku waa marka uu iskaga gudbo qaaradaha ee uu dhibaatada ba’an u geysto Dalagyada iyo deegaannada uu ku habsado. Dadyowga deegaannada Awdal iyo Selel ayaa iiga waramay siyaabaha kala duwan ee uu u saameeyay deegaanadaasi.

Cabdi Cumar Magan oo aan ku arkay degaanka u dhexeeya Burcada Tuur-goble iyo Osoli, ayaa ii sheegay in ayaxani soo noqnoqonayay sannadahan dambe, mararka qaarkoodna la waayayo.

Cali Cawaale Riyaale, waxuu ku sugnaa Burcada TUUR-goble, wuxuunna ku waramayaa in uu Ayaxani arladii ka dhigay nabaad-guur horseedi kara Abaaro ka dillaaca deegaankooda.

Ibraahim Xasan Abodiid oo aan ku waraystay tuulada Garaaca ee Degmada Lughaya, waxuu ii caddeeyay in xoolahoodii Fursheeyeen (diideen) dhulkii uu Ayaxu ku habsaday ee ay awel daaqi jireen, waxaanay ku diideen digadii ama saxaradii uu kaga tegay daaqeenka.

Cilmi Ibraahim oo Tuurta Feedha-Cade  oo  tuulada Laanta Morohda ah u dhaw ayaa sheegay in Ayaxu dhibaato weyn ka geystay deegaankooda oo ahaa kuwa ugu hodansan xagga baadka.

Sammire Maydal Tukaale, waxaan kula kulmay agagaarka Ceel-Gaal, kaasoo ii sheegay in Ayaxaasi uu geed sare iyo mid hoosaba diirtay, is la markaana uu carrabka mariyay cawsaskii iyo agabkii guryahu (Aqal Soomaligu) ka samaysnaayeen, waxaanu intaasi ku daray in uu ugaxantiisii ku aasay inta u dhaxaysa Ceel-Gaal iyo Caasha-Cado.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse BIixi Cabdi iyo Wasaaraddiisa Horumarinta Beeraha, ayaa dedaalo ka gashay sidii dhinaca la dagaalanka Ayaxa horumar looga gaadhi lahaa,  waxaanay sahamin iyo buufin ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobollada Somaliland, la dagaalanka Ayaxan waxaa ka qayb qaadanaya laba diyaaradood oo kuwa qummaatiga u kaca (Helicopters) ah iyo lix gaadhi oo casri ah.

Ayaxan ayaa ku faafay guud ahaan Gobollada dalka sida uu ii sheegay Maxamed Cumar Faarax oo ah hawlwadeennada la dagaalanka Ayaxa ee Wasaaradda Beeraha oo la socday diyaaraddan lagu buufinayo Ayaxa oo maanta oo Jimce ah 26 Juun 2020 aan wax ka waydiiyay, ayaa ii sheegay in Ayaxu uu marayo marxaladdii shannaad, kaas oo qaangaadhimadii u sii xuub siibanaya xiligan oo uu isku diyaariyo in ay kulmaan dheddiga iyo labka, taas oo keenaysa in ay ukunta ku aasaan guud ahaan Gobollada dalka oo dhan, iyadoo ay arrintaasina sahlayso in aanu ka  guurin degaannada dalka sannadahan dambe ee soo socda.

Aamina Yuusuf Faarax (Amina Shuwaal) waa hooyo ka mid ah dadka geela dhaqda ee caanahooda magaalada Hargaysa u iib keena, ayaa mar ay telefoonka iigu waramaysay iyadoo joogta deegaanka Toon ee Koonfurta Hargeysa, waxay ii sheegtay in beerahii geelu daaqayay uu ku habsaday Ayax koronkoro ah oo aad u tiro badan, dhib weyna u gaystay calafkii xoolahu ku noolaayeen, taasoo ku keeni karta dhibaato la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha iyo calafka xoolaha.

Halkan ka daawo warbixintan oo muqaal ah iyo xog badana xambaarsan

COMMENTS
Latest News