Saxilnews.com
Axmed Muumin Seed Oo Ku Hungoobey Tageero Uu Ka Filaanayey Borama , Faradho Madhan Iyo Niyad Jabna Kala Kulmay + Khayer-yadii Oo Loo Diiday
November 17, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (SaxilNews):- Axmed Muumin Seed gudoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga Waddaniiyo afar xubnood oo uu hogaminayo ayaa waxaa ay saaka safar ugu baxeen magaalada Borama ee xarunta Gobalka Awdal .

Muddane Muumin Seed iyo  xubnahan uu hogaminayey aya intii ay ku jireen safarkooda ku jiheysan magaalada Borama waxaa ay ku hungoobeen tageero ay ka filanaayeen magaalooyinka ka soo sokeeya magaalada Borama oo ay ka mid tahay magaalada Dila halkaas oo ay kala kulmeen faro madhan isla markaana dhaafay iyaga oo ay muraayaduhu u dalacan yahiin

Sidoo kale siyaasi Muumin Seed markii uu gaadhey magaalada Borama waxaa gabi ahaanba loo diiday in uu ka hadlo khayr-yada magaladaasi isla markaana waxa uu markii danbe uu tagay loona ogolaadey garoonka kubada cagta ee magaalada Borama halkaas oo uu kula hadley dad aan sidaasi u sii badneen isla markaana aad uga yar dadkii uu ka filaayey in ay magaaladasi ku soo dhaweeyen

Arintan ayaa waxaa ay Siyaasi Axmed Muumin Seed ku noqotey mid kala kulmay shacbiga magalaada Borama Faro madhan isla markaana waxaa ay tusisay inta ay leegtahay awooda taageero ee uu ku leeyahay magaalada Borama oo ah meesha uu ka filanaayey taageraada ugu badan

Muddane Seed ayaa la filayaa in uu isla galabtaba uu niyad jab kala soo caraabo magaalada Borama

COMMENTS
Latest News