Saxilnews.com
Maalgashiga dadka ma filankarta inuu kobocdhaqaale keeno
July 10, 2020 - Written by editor

Halkan waxaaynu ku eegaynaa khayraadka bini’aadamka ku jira oo ah awoodooda xag jismi, caafimaad, cilmi iyo caqli. Khayraadkaas oo ah kan ugu muhiimsan ee mudan in la maalgashado. Waxaana u qaadaa dhigi doono si la wada fahmi karno. Dadka badankood markii ay maqlaan hanti, isla markiiba waxay u fahmayaan lacag bangi taala, saami shirkadeed, guri, gaari ama wax lamid ah.
Dhamaan waxaas oo dhan waa nooc kamida hantida la taaban karo, waayo waxay leeyihiin faa’iido iyo wax-soosaar la mafacsanayo mustaqbalka dhow ama fog. Laakin waxaa jira hanti kale oo aan la taaban karin, hadana wax-soosaar iyo faa’iido badan u leh dhismaha iyo horumarka qaran, bulsho, shirkad ama qof.
Arinkaa dartiis ayay dhaqaalyahanadu, kasoo bilow Ibnu-Khalduun, Adam Smith ilaa Theodore Schultz oo oo sii hormariyay kalmadda ‘Human Capital’, waxay aaminsanaayeen in hantida ku dhex jirta insaanka lamid tahay noocyada kale ee hantiyadeed. Si lamid ah sida kuwaa kale loo maalgashan karo, ayaa iyadana loo maalgashan karaa dhan tarbiyad, waxbarasho, tababar, daacadnimo, akhlaaqiyaad, caafimaad.
Arimahaan oo hormarinaya tayada iyo wax-soosaarka qaran ama shirkad, sababtoo ah qofka aqoontiisa, kartidiisa, caqligiisa, qiyamkiisa iyo isaga shakhsiyan lama kala saari karo, waayo waa wax qofku kasbaday oo la soconaya, kana muuqanaya hawl walba oo uu qabanayo natiijadeeda. Aragtidaan ‘Human Capital’ waxaan ka fahmaynaa in qaran ama bulsho dhan ka faa’iidaysan karto maalgashiga lagu sameeyo qof ama qaybo kamida bulshada. Taas oo kuxiran qofku inuu helay aqoon fadhida ama xirfad sugan oo uu faa’iidadeeda dib usoo celin karo, isla markaana kor u qaadaysa wax-soosaarka naftiisa ama shirkadda uu hawl ufulinayo.
Marka, dhaqaalyahanno badan waxay ku doodaan bulshada aqoonta fiican, inay wax-kasoo saar iyo tayyo fiican tahay bulshada aan aqoonta fiican laheyn. Waxaa kaloo la isku raacsan yahay aqoontu inay tayyo wanaagsan lahaanayso, markii qofka laga kobciyo xagga maanka ‘cognitive’, waayo markaa waxaa badanaya halabuurnimada oo marwalba kor u qaadaysa wax-soosaarka. Wadamada waxa hormariya ama dib-u-dhiga Hadaba, hadii qaran ama bulsho doonayso inay yeelato waxsoosaar tayaysan, waa inay jiilkii hore kobciyaan aqoonta iyo hal abuurka jiilka soo socda ama waa inay shirkaddu kobcisaa aqoonta iyo xirfadda shaqaalaheeda.
Dhawr arimood ayay dhaqaalayahanadu isku raacsan yihiin inay saameyn ku leeyihiin ama yihiin ilaha (Human Capital):
Karti qofku kudhashay ama hibo Ilaahay siiyay: Madaama Alle u qaybshay insaanka hibooyin kala duwan oo uu qaarba qayb u badiyay , si la iskugu imtixaamo. Marka kartida qofku uu wax gaara u leeyahay waa qayb kamida (Human Capital), mudanna in lasii maalgashado.
Waxbarashada: Waa aasaaska maalgashiga (Human Capital), waana midda qofku waxbadan kusoo ogaado, kadibna u yeesho wax-soosaar qiimo leh.
Tayadawaxbarashada: Dadka badankiis way jecel yihiin inay waxbartaan, laakin waxay ku kala hormaraan tayada waxbarashadooda oo ka tarjumaysa wax-soosaarkooda. Markaa qof walba intuu haysto waxbarasho ka tayyo fiican qofka kale, waa ka wax-soosaar fiican yahay .
Tababarka shaqada ama iskuul xirfadeed: Qofka shaqaalaha isagoo waxba soo dhigan, ayay shirkadi u maalgashan kartaa inay barto xirfado kala duwan. Sidaas ayuuna qofku kunoqon karaa qof leh wax-soosaar iskuulo xirfadeedyada dunida ugu badan yihiin. Arinkaan wuxuu usii kala baxayaa mid guud oo qofku meel walba u isticmaali karo ama mid gaara oo uu qofku shirkadaas ama goobtaas ku koobnaanayo. Cilmi kale oo dheeraada qofku inuu barto ama macluumaad dheeraada uu kasbado iyo waxaa la xusaa dadka uu qofkaasi saaxibka la ahaa, wakhti badana la qaatay, inay kamid noqon karaan maalgashiga (Human Capital).
Dal marka uusan haysan khayraad dabiici ah oo badan, laakin uu maalgashado khayraadka kujira dadkiisa, way u fududahay inuu qolo kale kasoo iibsado khayraadka dabiiciga ah, kadibna aqoontiisa iyo xirfadiisa u isticmaalo inuu wax-soosaar sameeyo. Kobaca dhaqaale ee Japan, Shiinaha, Koonfurta Kuuriya iyo taywaan,ayaa tusaalayaal fiican u ah maalgashiga khayraadka kujira insaanka iyo mirodhalkiisa. Wadamadaan ma laha khayraad dabiici ah oo badan, laakin inta Galbeedka kula jira tartan adag.
Balse waxay kalsooni ku qabaan inay haystaan dad si fiican u carbisan, leh aqoon iyo xirfadobadan oo kala nooc ah, qaban kara shaqo-badan, isla markaana leh kala danbeyn iyo is-maqal. Meesha wadamada qaar ay ka buuxan khayraad-dabiici ah, laakin dadkoodu ay ka gaajaysan yihiin, waayo waxsoosaar majiro, sababtoo ah waxaa ka maqan ama kuyar aqoontii, xirfadii, kartidii waxqabad, carbisnaantii iyo kala-danbeyntii shaqo ee khayraadkaas kamiro dhalin lahaa.
Taasna waxaa u sababa khayraadka la haysto midkii ugu muhiimsanaa ayaa la dayacay oo ah maalgashiga dadka. Kadib waxaad arkaysaa wadankaas oo khayraadkiisa dabiiciga ah ay dadyow xirfad leh u kala tartamayaan inay ku helaan bilaash ama raqiis. Dadyowgaas kale oo doonaya inay ka sameeyaan wax-soosaar balaaran iyo faa’iido badan, kadibna dib loogu soo celiyo dadkii faqriga ahaa ee waxba soo saran karin, oo xattaa markaa laga yaabo inaysan alaabtaas tayaysan iibsan karin. Sidaa awgeedna loo soo sameeyo alaab udhigmata tayadooda maskaxeed iyo jeebkooda raqiiska ah, Arintan oo natiijadeedu noqonayso inay alaabtaas si dhakhso leh ku burburto, si’ay u ahaadaan suuq marwalba ooman oo laga faa’iido, waligoodna wareegaas nololeed ayay ku jirayaan iyaga iyo jiilashooda danbe, hadii aysan dadkooda maalgashan.
Sunnadii Nabi Muxamed (scw) Wadamadaas danbe marwalbaway shakisan yihiin oo waxay aaminsan yihiin in la dhaco ama la boobo, dabcan si xikmad iyo caqli kudheehan iyo baahi iyaga haysa awgood, waxna aysan samaysan karin, ayaa loo dhacaa, iyagoo la khasbin. Laakin waxba kama qaban karaan, waayo duruufta ay kujiraan ayaanan isbedalayn, sidaa awgeed duruuftaas u saamixi mayso inay wax kaqabtaan. Wadada keliya ee ay ku badbaadi karaana, waa inay wax u ogolaadaan oo badbaadsaan jiilashooda soo koraya xag tarbiyad, qiyam-akhlaaqiyaad, aqoon, xirfad ku qottonta baahiyahooda iyo khayraadkooda dabiiciga ah.
Waxbarasho tayaysan iyo dadka oo laga saaro mugdiga, loona kaxeeyo meel uu iftiin ka shidan yahay , ayuu horumarka bulshadeed kuxiran yahay . Waxaana hoos laga wada xariiqay waxbarasho tayaysan inay tahay mashiinka horumarka u keena bulsho walba iyo waxsoosaarkeeda.
Arinkaana waa uu ufuli karaa qaab shakhsi shakhsi ama qoys-qoys, laakin qaabka saameynta leh iyo hirgelintiisa dhabta ah waa midka ay fuliso dowlad.
Dhaqaalayahanadaan kahor intaysan aragtidaan fahmin, waxaa arinkaan qorshihisa hirgeliyay oo tusaal fiicaan ka muujiyay Rasuululaah Muxamed (scw), markii uu shardi uga dhigay xoreynta dadkii lasoo qafaashay , inay baraan caruurta Madiino wax-qorista iyo waxakhriska. Arinkaan oo uu Rasuulka Alle rajaynayay in xirfadaas oo lagu daray qiyamka-diineed ay dunida ku hanan doonaan, wayna dhacday. Human Capital Kariibiyaanka waxay sidoo kale dhaqaalyahanada dunida maanta tusaale usoo qaataan wadamada la isku yiraahdo CARICOM (Caribbean Community) nations oo ka kooban 15 dal oo Kariibiyaan ah Latin Ameerika, dadkooduna yahay 55 malyan, ayaa waxaa 2002 kudhacay hoos udhac kobacii dhaqaalaha, shaqo la’aan korodhay, waxsoosaar eber ah ama liita, faqri xaddhaafa.
Kadib waxay ku khasbanaadeen inay fuliyaan qorshe ka koobnaa dhawr qodob oo uu ugu muhiimsanaa, uguna miro-dhal badnaa qodobka maalgashiga (Human Capital), iyadoo la tayeeyay waxbarashada, waxsoosaarka iyo hal-abuurka.Sidaa darteedna natiijadu waxay noqotay dhaqaalaha oo kobca, wax-soosaarka oo batta, hadana tayaysma iyo fursadaha shaqo oo furmo.
Qore:
Aqonyahan, c/raxman cali axmed.
Telefoon: 4440777.
email:cabdiraxmancali948@gmail.com.

COMMENTS
Latest News