Saxilnews.com
Australia: midabkii cirka waxaa qariyay boor walaac ayaana laga muujinayaa
November 22, 2018 - Written by editor
Boorkan ayaa qariyay cirkaLahaanshaha sawirkaMATT WHITLUM
Image captionBoorkan ayaa qariyay cirka

Duufaan aad u weyn oo ka sameysan bus is aruursatay ayaa wada qarisay dadka ku dhaqan koonfurta-bari ee dalka Australia, midabkii cirka ayaa isbaddalay waxaana laga cabsi qabaa halis caafimaad oo ka dhalan karta hawada.

Mas’uuliyiinta dalkaas ayaa maanta oo khamiis ah digniino caafimaad ka jeediyay magaalada Sydney, iyadoo duufaantaas oo halkii marba dabooleysa dhul la eg 500 oo kiiloo mitir ay gaartay magalaada.

Waxaa dib loo dhigay qaar ka mid ah duullimaadyadii diyaaradaha ee ka howl galayay magaalada Sydney.

Saameynta duufaantan boorka sidata ayaa sidoo kale gaartay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka New South Wales.

Saraakiisha ayaa sheegay in duufaantan ay waddo dabeyl xoog badan oo hawada u qaadeysa guud ahaan carrada qallalan.

Xaaladdan ayaa waxaa sababay abaar soo jiitameysay tan iyo bishii Agoosto, sida ay sheegtay waaxda saadaasha hawada ee dalka Australia.

Boorkani ayaa waxa uu xitaa gaaray Koonfur WalesLahaanshaha sawirkaMATT WHITELUM
Image captionBoorkani ayaa waxa uu xitaa gaaray Koonfur Wales

Dhakhaatiirta isbitaallada qaar ayaa soo tabiyay in maanta la gaarsiiyay dad ay neefsashada dhibeyso, laakiin si rasmi ah uma cadda tirada dadka ay saameynta gaartay.

  1. Duufaan garaacday Australia
  2. Kuuriyada waqooyi oo Australia uga digtay siyaasadaha Trump
  3. Ma asturnaantay eersadeen gabdhaha Muslimiinta ah ee Australia?

Magaalada Sydney, bustu waxay mugdi ka dhigtay cirka, waxayna dadka ku abuurtay cabsi xooggan oo ay ka qabaan xaaladda hawada.

Dadka deegaanka ayaa lagu boorriyay ineysan guryaha ka soo bixin, gaar ahaan carruurtana iyo dadka da’da ah.

Qof ka mid ah shacabka oo lagu magacaabo Matt Whitelum ayaa BBC-da u sheegay in duufaanta busta ah ay magaalada Sydney kasoo billaabatay saacado ka mid ah maalintii Arbacada.

“Haddii aad bannaanka u baxdo indhaha ayey kaa galeysaa busta, dhib ayaadna la kulmeysaa” ayuu yiri.

Duufaanta busta ah ee saameysay magaalada Sydney ayaa hadda lala bar bar dhigayaa mid nooceeda ah oo magaaladaas ku dhufatay sannadkii 2009-kii.

Xilligaas waxay duufaabtaasi sababtay in kumannaan qof ay soo food saarto dhibaato dhinaca neefsashada ah

COMMENTS
Latest News