Saxilnews.com
Atletico Madrid 0-3 Real Madrid: Cristiano Ronaldo Oo Saddexley Kaga Baxay Abaartii Gool La’aanta Hogaankana Sii Dheereysatey
November 20, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Real Madrid ayaa guul wayn Vincente Calderon kaga soo gaadhay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Ateltico Madrid waxaana Los Blancos guushan ka caawiyay Cristiano Ronaldo oo saddexley dhulka ku jiiday kooxda Diego Simeone ee Atletico Madrid.Real Madrid ayaa hogaanka La Ligaha afar dhibcood ku qabtay kadib markii ay Barcelona barbaro gool la’aan ah la gashay kooxda Malaga.

Ronaldo ayaa saddexleydii labaad ka dhaliyay kooxda Ateltico Madrid waxayna sidoo kale saddexleydani ahayd saddexleydiisii 39 aad ee waayihiisa Real  Madrid. Kadib markii uu Ronaldo muddo dheer gool dhalinta kaga soomanaa Calderon isla markaana uu shantii kulan ee ugu danbeeyay garoonka ka baxay isaga oo aan wax gool ah dhalin ayuu markale galka seefta ka saaray.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN: 

Atletico Madrid (4-4-2): Oblak; Juanfran, Godin, Savic, Filipe; Koke, Gabi, Saul, Carrasco; Griezmann, Torres.

Kaydka: Moya, Vrsaljko, Lucas, Tiago, Gaitan, Correa, Gameiro.

Real Madrid (4-3-3): Navas; Carvajal, Nacho, Varane, Marcelo; Modric, Kovacic, Isco; Vazquez, Bale, Ronaldo.

Kaydka: Casilla, Sergio Ramos, James Rodriguez, Coentrao, Asensio, Danilo, Benzema.

Real Madrid ayaa qaybtii hore ee kulankan soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo Zidane intii ay ciyaartu socotay shaxdiisa u badalay mid aan hore looga baran. Kadib markii ay Real Madrid bilawgii ciyaarta cadaadis badan ka dareentay Atletico Madrid ayuu Zidane shaxdiisii ahayd 4-3-3 u badalay 4-4-1-1 taa soo keentay in Atletico Madrid ay xal u waydo qaabka cusub ee ay Madrid la soo baxday.

DAQIIQADII 11 AAD Real Madrid ayaa ugu dhawaatay in ay hesho goolka furitaanka kadib markii Marcelo karoos qurux badan dhinaca bidix ka soo qaaday waxaana boos aad u fiican ku helay Cristiano Ronaldo kaas oo sidii looga  bartay si xoogan madaxa kubbada ugu darbeeyay, waxayna jawaabtu hayd hal mid oo kaliya oo ah in kubbadu ay shabaqa gaashay laakiin waxaa taas diiday goolhaye Jan Oblak oo sameeyay badbaadin layaableh.

Ronaldo ayaa si wayn uga cadhooday wuxuuna garsooraha kula dooday in kubbadu ay xariiqada goolka dhaaftay balse taasi ma noqon sidii uu filayay. Jan Oblak ayuu jidhkiisu xariiqada goolka ka danbeeyay laakiin gacmaha uu kubbada ku joojiyay ayaa xariiqada goolka ku joogay.

DAQIIQADII 23 AAD GOOOOOOOOOOL! Real Madrid ayaa heshay goolkeeda furitaanka ee ay Atletico Madrid kaga naxsatay waxaana gool laaga xorta ah ku yimid kooxdiisa goolkan ugu dhaliyay Cristiano Ronaldo kaas oo soo gabagabeeyay shan kulan oo Calderon wax gool ah ku dhalin, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Madrid hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Shan gool oo ka mid ah lixda gool ee uu Ronaldo xili ciyaareedkan dhaliyay ayuu dhaliyay kulamadii ay kooxdiisu martida ahayd halka shan kulan oo xidhiidh ah aanu Santiago Bernabeu wax gool ah ku dhalin. Goolkan ayaa Real Madrid ka caawiyay in ay ciyaarta si buuxda u maamusho isla markaana ay cadaaadiskii Atletico Madrid ku joojisay.

Qaab ciyaareedkii Atletico Madrid looga bartay ayaan la arkin qaybtii hore ee kulankan wuxuuna Simeone iyo jamaahiirta Atletico ay si wayn uga cadhaysnaayeen qaab ciyaareedka kooxdooda oo awoodi wayday in ay la timaado goolka barbaraha waxayna qaybtii hore ee ciyaarta ay ku dhamaatay 1:0 ay Real Madrid hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Atletico Madrid soo laabtay iyada oo ku socota dardar waali ah isla markaana waxay markiiba bilawday in ay weeraro halis badan ku abuurtay goolka Madrid iyada Carrasco iyo Griezmann ay heleen laba fursadood oo ay gu dhawaadeen goolka barbarha Atletico.

Real Madrid ayaa cadaadis badan laasaray waxayna si buuxda u bilawday in ay goolka ay hogaanka ku haysay ay wada difaacato iyada Vincente Calderon uu nooc qarax ah sameeyay kadib markii uu Simeone jamaahiirta kooxdiisa ka dalabaday in ay hal mar qaylo isku daraan.

DAQIIQADII 62 AAD Simeone ayaa hal mar labada badal wada sameeyay wuxuuna ciyaarta soo galiyay Correa & Gameiro wuxuuna ciyaarta ka saaray Gabi & Torres. Xamaasada Ciyaarta ayaa noqotay mid cirka isku shareertay waxayna Ronaldo isku dhaceen Koke iyada oo markii ugu horaysay Ronaldo kaadhka digniinta ah loo taagay kulan Madrid Derby ay.

DAQIIQADII 68 AAD Real Madrid ayaa heshay fursad aad u fiican kadib markii Isco uu darbo qurux badan ku tuuray goolka Atletico laakiin goolhaye Oblak ayaa halista banaanka iskaga saaray.

DAQIIQADII 70 AAD REKOODHE! Real Madrid ayaa heshay fursadii ugu fiicnayd ee ay culayska kaga bixi lahayd kadib markii  Stefan Savic uu qalad ku galay Cristiano Ronaldo isla markaana uu kooxdiisa dhib kale u sii horseeday, inkasta oo uu  Stefan Savic u muuqday in uu kubbada iska saari karay ayuu haddana awoodi waayay in uu kubbada iska saaro balse taas badalkeeda isaga oo dhacaya ayuu lugihiisa ku sii riday Ronaldo, garsooraha ayaana markiiba rekoodhe tilmaamay.

DAQIIQADII 71 AAD GOOOOOOOOOL!. Cristiano Ronaldo ayaa kubbada qaaday wuxuuna si fiican u garaacay goolhaye Oblak oo aan wax rekoodhe badbaadin ah samayn, wuxuuna Ronaldo sidaa ku dhaliyay goolkiisa labaad isaga oo ciyaartana ka dhigay 2:0 ay Real Madrid ku heshay goolkeeda kalsoonida. Ronaldo ayaa markii uu goolkan dhaliyay kamarada soo hor fadhiistay isaga oo sameeyay xanshashaq gaar ah.

DAQIIQADII 77 AAD Real Madrid ayaa ciyaarta hurdada u dirtay waxayna isku hubsatay saddexda dhibcood waxaana markan saddexleyda uu kulankan ka dhaliyay dhamaystirtay Cristiano Ronaldo kaas oo kubbad caawin aad u fiican ka helay  Gareth Bale oo shaqo fiican soo qabtay wuxuuna Ronaldo sidaa ku dhaliyay goolka uu ciyaarta kaga dhigay 3:0 ay Madrid ku dubanayso kooxda ay dariska yihiin isla markaana uu xifiltanka wayni ka dhexeeyo ee Atletioc Madrid.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:0 ay Real Madrid ku soo dubatay Ateltico Madrid isla markaana ay hogaanka La Ligaha ku dheeraysatay. Real Madrid ayaa 12 kulan ka heshay 30 dhibcood waxaana ku soo xigta Barcelona oo 26 dhibcood leh isla markaana kulankii Malaga barbaro ku gashay Camp Nou.

COMMENTS
Latest News