Saxilnews.com
“ANIGU WALIGAY MIDNIMADA SOMALIA AYAAN AAMINSANAA (XITAA MARKII AAN HARGEYSA JOOGAY) ” WASIIRKA DEKEDAHA SOMALIA + MUUQAAL.
August 10, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (SaxilNews):-  Guddoomiyihiii urur siyaasadeedkii Gurmad ee Somaliland ka jiray Faarax Nuur haatana ah wasiirka dekedaha ee maamulka Muqdisho ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan qaddiyadda madax banaanida Somaliland oo uu ka soo jeedo isagoo waliba furtay urur siyaasadeedkaas Gurmad oo ka mid ahaa ururadii ku hadhay qiimaynta guddiga diiwaangalinta ururada.

 

Wasiirka Dekedaha ee Somalia Faarax Nuur ayaa si cad u sheegay inuu waligiiba aaminsanaa midnimada Somalia xitaa isagoo Hargeysa ku sugan, waxaana uu sidoo kale hoosta ka xariiqay inay jiraan siyaasiyiin badan oo haatan ku jira masraxa siyaasadda Somaliland balse aaminsan in midnimada dalkii la odhan jiray Somalia ay lama taabtaan tahay

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

COMMENTS
Latest News