Saxilnews.com
“ANIGA IYO CIGAAL WAANU TANAASULNAY EE MAANTA YAA TANAASULAYAA, WAA SU’AAL MEESHA TAALA, WAX SAAXIL DIB LOOGU NOQDANA MEESHA MA YAALAN” AXMED YUUSUF YASIN
August 26, 2015 - Written by admin

Hargeysa( saxilnews)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay Xeerka saami qaybsiga ee hadda la hakiyay ee muranka ka dhex abuuray Golaha Wakiilada, kaas oo keenay in Xildhibaanada  ka tirsan Wakiilada ee ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Salal ay ka baxaan Golaha, waxaanu sheegay in caqabada saami qaybsigu muddo dheer soo taxnaa, oo waliba Doorashadii Golaha Wakiilada ee 2005-tii Saddexdii Xisbi ee UDUB, UCID iyo Kulmiye ay ku heshiiyeen in Doorashada Wakiilada lagu galo qaabkii lagu gali jiray wakhtigii Ingiriiska, balse Doorashooyin kale aan lagu galin.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isaga oo wareysi gaar  ah siiyey shabakada saxilnews waxa  uu sidoo kale sheegay inay haboon tahay in talo qaran la iskugu yimaado, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in la isku tanaasulay, waxaanu xusay in Madaxweyne Cigaal ALLE ha u naxariiste markii uu Madaxweynaha ahaa in laba boos oo Guurtida ah ooo Gobolka Saaxil ah inuu bixiyey, halka uu isaguna markii uu ahaa Madaxweyne ku xigeen uu bixiyey laba boos oo Wakiilada ah oo Gobolka Saaxil ahaa, “Markii la galay Shirkii Saddexaad ee Somaliland Sannadkii 1997-kii, waxa la sameeyey Dastuur ku meel gaadh ah, waxaanu Dastuurkaasi qeexayey in lagu shaqeeyo Saddex Sannadood, lana kaabo, oo laga dhigo Dastuur rasmiya, waxaana wakhtigaas Guurtida iyo Wakiilada lagu soo daray Beelihii darafyada, markaas labada tiro ee Golayaashu waxa ay noqdeen min 82, waxaanu Dastuurku nagu qaatay wakhtigaas oo aan ka mid ahaa Barlamaanka, Shan Sanno, balse 1999-kii waxa uu Cigaal soo dhigay Xeerar fara  badan, oo is xanbaarsan, Xeer waxa uu ahaa kaabista Dastuurka, waxa kale oo uu soo dhigay Xeerkii Axsaabta lagu soo sameeynayey, waxa kale oo uu soo dhigay Xeer isa saaran oo ah Doorashooyinkii Madaxtooyada, Deegaanka, Guurtida iyo Wakiilada, Kaabista Xeerku waxa uu qoraayey in Guurtidu ay noqdaan 60 xubnood, oo markaas laga soo doorto lixdii gobol ee markaas jiray,60-kaasna lagu xardho Dastuurka, waxa kale oo uu Dastuurka Cigaal ka saaray 82-xubnood ee Wakiilada, waxa uu uga saaray in had iyo goor Golaha Wakiiladu la koro Shacabka, oo aanu ku eekaan oo qudha 82-xubnood, oo marka ay Shacabka korodhba inay Golaha Wakiiladuna kordhaan, oo ay  Shacabka iyo Wakiiladu isla jaanqaadan”.

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar uu ka hadlaayey qodobo la jabiyey Dastuurkaas ayaa yidhi “Waxa la jabiyey qodobo, Guurtidu wey jabisay kii ku aadana, oo lixdankii ayey ka biyo diideen, 82-kii Golaha Wakiiladuna uu jabay, halka ay wax ka cakirmeen waa halkaas, waana khalad ay sameeyeen Golihii Wakiilada ee wakhtigaas, inta badan Afrikaanku waxa ay isku qiyaasan marxalada markaas taagan iyo xeerka, ee kama fikiraan mustaqbalka, Golihii Wakiilada ee wakhtigaas, Golahan wax yar ayaa kaga jira, waxaana kula talinayaa Golayaasha oo aan leeyahay waa tagaysaan goorta ay noqotaba, ee Xeerka aad sameeynaysaan u sameeya wakhti dheer, si aanay caqabadan oo kale dib u dhicin”.

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashadii Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Doorashada Golaha Wakiilada inay dhacdo 2003-dii ayey ahayd, oo Madaxtooyada ka horeeyso, wakhtigaas ayaa saami qaybsiga la isku qabsaday, dabadeed waxa isa soo gaadhay Doorashada Wakiilada iyo Doorashada Madaxtooyada, Maamulkii wakhtigaas ee aan ku jiray waxa aanu go’aan ku gaadhnay muranka saami qaybsiga iyo Doorashada Wakiilada dib inooga dhiga, oo Doorashada Madaxtooyada ha la qabto, waxaana wakhtigaas Golaha Wakiilada loo kordhiyey Saddex Sanno, markii la gaadhay 2005 waxa dib u soo noqday mushkiladii saami qaybsiga, balse Xisbiyadii ayaa Golihii Wakiilada ka soo dhex saaray saami qaybsiga, oo dibada u soo saaray, waxaana la yidhi sidee loo qaybiyaa, oo halkee loo noqdaa, waxa loo noqday wakhtigii Ingiriiska,oo waxa jiray wakhtigaas Afar Gobol oo min shan ah, Awdal,Saaxil, Sanaag iyo Sool, Burco oo Lix ah iyo Hargeysa oo Todoba ah, dabadeed waxa la yidhi dadkii wey kordheen ee ha lagu dhufto 2.5, dabadeed waxa ay  noqotay afar Gobol oo yeeshay min 12.5 iyo Burco yeelatay 15, Hargeysana yeelatay 18, farakshankii waxa ay noqdeen laba xubnood iyo badh, labadii xubnood xubin waxa loogu daray Hargeysa, xubina waxa loogu daray Awdal oo noqotay 13, Hargeysa ayaa markaas tidhi waanu balaadhanahay Saaxil ayaa laga soo qaaday laba xubnood, Hargeysa ayaa lagu soo daray oo noqotay labaatan, xalkaas ayaanu wakhtigaas ku af jarnay, wakhtigaas wakhti yar ka hor ayey labada Gole min saddex sanno korodhsadeen way noo cuntami wayday, wakhtigaas Maxkamada sare waxa ay jabisay korodhsiimadii Wakiilada, waxayna xukuntay in Maanta lagu galo diiwaalgelin la’aan, oo aan dib loogu galin, balse saami qaybsiga waxa gadhay Saddexdii Xisbi UDUB, UCID iyo Kulmiye, markii ay isku faawaqeen, ayaa waxa loo gudbiyey golayaasha sharci dejinta, waana nasiib daro in ilaa iyo 2005 ilaa Maanta inuu arinku halkii taagan yahay, maamulkaygii iyo maamulkaba waan ku dhaliilaya, waxayna ahayd in tirikoob guud la sameeyo”. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo soo jeediyey in arinta saami qaybsiga tallo qaran laga gaadho ayaa yidhi “In tallo qaran laga gaadho oo la rog rogo wey fiican tahay, horena wey u haboonayd waxaana leeyahay marka la is muquuninaayo oo cod la isku muquuninaayo waa mar Wadanka la ictiraafay, bal maanta cida tanaasusha aynu eegno, Saaxil wey tanaasushay, oo wakhtigii Cigaal laba Xildhibaan oo Guurtida ah ayaa la bixiyey, wakhtigii aan anigu joogayna laba xildhibaan baan bixiyey oo aan Hargeysa keenay, markaas aniga iyo Cigaal waanu tanaasulnay ee Maanta yaa tanaasulayaa, waa su’aal meesha taala, wax Saaxil dib loogu noqdaana meesha ma yaalaan”.

Axmed Yuusuf Yaasiiin ayaa mar uu ka hadlaayey go’aankii Maxkamada iyo sida uu arko ayaa yidhi “sidaas ayaan anigu u hadlay, oo aan filaayey, Saddex biloodna waxba maaha, waxaa se muhiim ah inaynu helno diiwaangelin rasmiya oo lagu galo doorashooyinka, haddii taas la waayana waxa iman doona muran kii hore ka adag, waxaana Maxkamda ku hambaliyeynayaa inay cayinto wakhti mucayin ah in Doorashada la galo, waxaana loo baahan yahay in la hawl galo oo Xisbiyo, Mucaarad, Muxaafid yo Dawlaldduba ka hawl galaan sidii loo dhaqan galin lahaa Diiwaangelin deg deg ah, oo malinta Doorashadu taagan  tahay maaha inay hadal yimaado”.

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar uu ka hadlayey sida uu arko Saraakiisha muddooyinkii ugu dambeeyey qaar ka mid ah Askartu laynaysay ayaa yidhi “Waxa marka hore isku keena Askari iyo Sarkaal, waa wax is weydiin leh, oo haddi uu Askarigu yahay xadhigleh,jaran jaro dheer ayaa ka sareeysa, oo ah laba xadhig leh, saddex xadhig leh, xidig leh, laba xidig leh, muranka ka dhaxayn kara Sarkaalka sare iyo Askariga meesha inuu yimaado maaha”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlaayey Ciidanka ayaa yidhi “In Ciidanka Booliska iyo Qarankaba in aad loo tababaro, oo la dhiso weeye, waxaana ku baaq lahaa in llaga baxo marka qof dhinto in la yidhaahdo hebel baa la dilay, qabyaaladi waxa ay dumiso mooye waxba ma kordhiso, ninka dhimanayaana waxa uu u dhintay qadar ALLE, waxaana leeyahay Booliska ninkii khalad gala waa in tababar lagu celiyaa”

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar uu ka hadlaayey dhaliilo ay muddooyinkii ugu dambeeyey warbaahinta isku marinayeen Masuuliyiin xilal haya iyo taladda uu u soo jeediyey ayaa yidhi “Qoladaas Warbaahinta isku weeraraysa waxa aan leeyahay taas laga fiican, dawladna waxa la yidhaahda Saddexda Gole, waa Garsoorka, Barlamaanka iyo Fulinta, markaas kolayba in warbaahinta laga hadlo marka hawl lagu jiro ma wanaagsan,a oo yaan Warbaahinta la isku weerarin, wax haboon oo fiicana maaha”.

Axmed Yuusuf Yasiin ayaa mar u ka hadlaayey Cali Khaliif Galaydh ayaa yidhi “Arinta Cali Khaliif Galaydh waa arin u taalal Ciidanka Qaranka, ninkaasi xadkeena ayuu ku jiraa, anigu waxa aan leeyahay haddi ninkaas siyaasad lagu daweeyn waayey waa in la qabtaa”.

 

 

 

maxamed xasan

 

 

Saxilnews005@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News