Saxilnews.com
Amiirad Sheikha Latifa oo sheegtay in nolol fiican ay ku qaadanayso Paris
February 21, 2022 - Written by Baas Rashiid
Amiirad Latifa

Amiirad Sheikha Latifa oo ah gabadh uu dhalay amiirka Dubai ayaa sheegtay inay ku nooshahay xoriyad taam ah kadib sanadkii 2018 oo ay isku dayday inay ka cararto dalkeeda, waxay xilligggaas aabahed ku eedeysay ‘in uu guri ku xiray’ oo ay noqotay ‘laheyste’ isla markaana ay u baqeysay nolosheeda.

Hadalkan ayaa yimid markii dhawaan magaalada Paris ay kulan kula qaadatay madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey, Michelle Bachelet.

“Michelle Bachelet waxay la kulantay Amiirad Latifa, oo ah gabadha amiirka Dubai, Bachelet waxay kulan gaar ah la yeelatay gabadha, latifa waxay u caddeysay in xaaladdeedu ay wanaagsantahay isla markaana ay qaddariso nolosheeda gaarka ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee arrimaha xuquuqul insaanka.

Wakiilada amiiradda Latifa ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen: “Ujeedka kulankan wuxuu ahaa in Latiifa ay xaqiijiso xaqa ay u leedahay in ay yeelato nolol gaar ah, ka dib wararka saxaafadda ay isla dhexmareyso ee ku saabsan nolosheeda”

War saxaafadeedka ayaa intaa ku daray: “Latiifa waxay jeclaan lahayd inay caddayso inay u nooshahay sida ay rabto, una safarto siday rabto,xaaladdeena ay wanaagsan tahay, ayna jeclaan lahayd inay warbaahinta arrimaheeda faraha kala baxaan”, sida uu qoray wargeyska Telegaraph oo soo xiganayo bayaanka kasoo baxaya wakiiladeeda.

Baxsadkii doonta

Latifa oo haatan 35 jir ah, markii ay 16 jir aheyd ayay isku dayday inay baxsato, sanadkii 2011 waxay la xiriirtay ganacsade u dhashay Faransiiska oo la yiraahdo Herve Jaubert, waana qorshe muddo dheer socday. waxaana ka caawineysa arrintaas Ms Jauhiainen oo horraan u aheyd macalimad ka tirsan baarnaamijka tababarka ee capoeira ee laga leeyahay Brazil.

24-tii bishii Febraayo sanadkii 2018, Latifa iyo Ms Jauhiainen waxay dooni u qaateen biyaha caalamiga ah, waxaana halkaas ku sugayay Mr Jaubert oo saarnaa dooni uu ka babanayay calanka Mareykanka.

Siddeed maalmood ka dib waxay ka baxeen xeebaha Hindiya, waxaana doontii soo koray ciidamada koomaadooska, Ms Jauhiainen waxay sheegtay in qori ay ku qabteen ciidamada.

Latiifa waxaa dib loogu soo celiyay Dubai, tan iyo xilliggaas wax war ah lagama heynin.

Ms Jauhiainen iyo shaqaalihii saarnaa doonta ayaa lasoo daayay labo toddobaad oo ay ku xirnaayeen Dubai.

Dowladda Hindiya weligeed kama aysan hadlin kaalinta ay ku laheyd arrintaas.

Muuqaal ay Latifa soo duubtay sanadkii 2018

XIGASHADA SAWIRKA,PRINCESS LATIFA

Qoraalka sawirka,Muuqaal ay Latifa soo duubtay sanadkii 2018

Balse inta aysan baxsan sanadkii 2018 Latifa waxay soo duubtay muuqaal kale oo ay soo dhigtay barta YouTube kaddib markii la qabtay, “Haddii aad daawaneyso muuqaalkan, ma ahan wax wanaagsan, waxay noqon kartaa xaaladda ah in aan dhinto ama aan ku suganahay xaalad aad u darran” ayay tiri Latifa.

Waxaana arrintaas ka dhashay cadaadis xooggan oo lagu dalbanayo in lasii daayo.

Imaaraatka Carabta waxaa soo food saaray cadaadis caalami ah, waxaana la qaban qaabiyay kulan ay la yeelanayaan Ms Robinson.

Kulankii Robinson

Waxay u duushay Dubai bishii December sanadkii 2018 kaddib codsi ay u jeedisay amiirad Haya si ay u yeeshaan kulan qado ah oo ay goob joog ka tahay Latifa.

Ms Robinson waxay barnaamijka Panorama u sheegtay in iyada iyo Amiirad Haya ay gudbiyeen faahfaahinta ku saabsan xaaladda Latifa oo ku saabsan inay qabtay xanuun dhanka maskaxda ah, xaaladddaas oo aysan inaba qabin.

Waxay sheegtay in Latifa aysan weyddineynim xaaladdeeda maadama aysan dooneyn inay u horseedaan inay uga sii daro welwelka heysto.

Sagaal maalmood kadib qadada, wasaaradda arrimaha dibadda Imaaratka waxay soo daabacday sawirrada Ms Robinson iyo Latifa kuwaas oo ay ku sheegayaan inay caddeyn u tahay in xaaladda amiiradda ay wanaagsantahay.

Ms Robinson waxay tiri “Waa la ii khiyaanay kaddib markii sawirrada la baahiyay, waa arrin gebi ahaanba argagax ah…waan yaabay”

Sanadkii 2019, xiisadda ka dhex taagneyd qoyska maamulo Dubai ayaa laga hor sheegay maxkamad ku taalla Ingiriiska kaddib markii mid kamid ah xaasaska hoggaamiyaha amiirad Haya Bint Al Hussain ay u carartay UK iyada iyo labo carruur ah oo ay dhashay isla markaana magangelyo ay u raadsadeen halkaas.

Amiirad Haya (Bidix) iyo qareenkeeda Fiona Shackleton oo ku sugnaa maxkamadda sare ee UK bishii Febraayo 2020

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Amiirad Haya (Bidix) iyo qareenkeeda Fiona Shackleton oo ku sugnaa maxkamadda sare ee UK bishii Febraayo 2020

Sanadkii lasoo dhaafay maxkamadda sare waxay soo saartay go’aano ku saabsan xaqiiqada ah in Sheekh Maxamed uu amray sidoo kale qorsheeyay in si xoog ah Latifa loogu soo celiyo dalka sanadkii 2002 iyo 2018 iyo in uu sameeyay tallaabo sharci darro ah oo ku saabsan in UK uu ka afduubtay 2000 gabadhii ka weyneyd oo la yiraahdo amiirad Shamsa oo iyadu isku dayaysay inay baxsato.

Maxkamadda waxay ogaatay in Sheekh Maxamed “uu wado dhaqdhaqaaq uu labadan gabdhood ee da’da yar uu kaga hor istaagayo xoriyaddooda”

Saaxibada Latifa waxay ku rajo weyn yihiin in kiiskii maxkamadda ee bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay ee ka dhanka ahaa Sheekh Maxmed aanu ‘daacad aheyn’ in loo eexdo dhinaca amiirad Haya ay caawin laheyd.

Go’aanka ku saabsan baahinta farriinta, Ms Jauhiainen waxay haatan sheegeysaa in “In wakhti badan uu lumay” tan iyo markii wax xiriir ah laga waayay.

Waxay sheegeysaa in ay u maleyneysay in baahinta muuqaalka uu ahaa mid adag balse waxay intaas ku dartay “Waxaan dareemayaa inay dooneyso in aan u dagaallano oo aanan is dhiibin”

COMMENTS
Latest News