Al-Shabaab Oo Sheegatay Inay Qabatay Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Soomaaliya

0
19

Afgooye (SAXILNEWS)_Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay gacanta ku dhigtay mid ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya, oo ay sheegtay inay ku qabatay weerar ay ku qaadday gurigiisa oo ku yaalla meel u dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Kooxda ayaa bogag ay ku leedahay internet-ka ku soo bandhigtay sawirka sarkaalka oo ay magaciisa ku sheegtay Gaashaanle Maxamed Xaali Cali iyo gaadhigiisa. Dowladda federaalka Soomaaliya wali ma aysan ka hadlin afduubka ay Al-Shabaab sheegatay inay u geysatay sarkaalka.

 

 

maxamed ilkacase

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here