AL-SHABAAB OO SAFKA HORE KAGA JIRTA KOOXAHA HUBEESAN EE UGU TAAJIRSAN CAALAMKA (AQRISO SIDA LOO KALA HOREEYO)

0
15
Al-Shabaab oo safka hore kaga jirta Kooxaha Hubeesan ee ugu taajirsan Caalamka (Aqriso sida loo kala horeeyo)

Wargeyska Caanka ah ee Forbes ayaa soo bandhigay Kooxaha hubeesan ee ka dagaalama qeybo kamid ah Caalamka kuwooda ugu taajirsan soona galaan lacagta ugu badan, waxaana kooxahan ugu tun weyn Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Kooxda Daacsh ayaa la sheegay in sanadkiiba ay soo gasho lacag dhan 2 Billion oo Dollars, kooxdan ayaana lacagahan la sheegay in siyaabo kala duwan ay kusoo galaan , waxa ayna noqotay kooxda ugu dhaqaalaha badan kooxaha hubeesan ee caalamka ka jira.

Ururka Al-Qaacida oo ahaa Ururka ugu xoogan Islaamiyiinta ee ka dagaalama goobo badan oo caalamka katirsan ayaa awoodiisa hoos u dhac ku yimid, waxaana ururkaasi uu kaalinta lixaad kaga jira Ururada hubeesan ee ugu hantida badan, waxaana sanadkii soo gala lacag dhan 150-million oo Dollar.

Dhaq dhaqaaqa hubeesan ee Al-Shabaab ayaa sidoo kale safka hore kaga jira kooxaha hubeesan ee hantida badan uu sanadkii soo galo, Kooxdan ayaana la sheegay in sanadkiiba ay hesho lacag dhan 70 million oo Dollar.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in lacaga soo gala ay badankood ka helaan Zakawadaaka, Canshuuraha ay qaadaan iyo taageero dhaqaale ay ka helaan gudaha iyo Dibbada, waxa ayna kooxdan kamid noqotay kooxaha ugu hantida badan Kooxaha hubeesan.

Halkan ka Aqriso sida ay u kala horeeyana dhinaca Hantida Kooxahan Hubeesan.

1-Kooxda Daacish , waxaa sanadkii soo gala lacag dhan 2 Billion oo Dollars.

2-Kooxda Xamaas ee ka aas aasan Falastiin waxaa sanadkii soo gala lacag dhan 1 Billion oo Dollars

3-Kooxda Kacaanka hubeesan (FARC) ee ka ka dagaalanta Dalka Columbia ayaa hesha lacag dhan 600 million oo Dollars.

4-Jabhadda Xisbullaahi ee ka dhisan Dalka Lubnaan ayaa hesha sanadkii lacag dhan 500 million oo Dollars.

5-Kooxda Daalibaan ee ka dagaalnta Afgaanistan ayaa hesha sanadkiiba lacag dhan 400 million oo Dollar

6-Ururka Al-Qaacida ayaa isna sanadkii farqaha ku shubta lacag dhan 150-million oo Dollar.

7-Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaana iyana heshan sanadkiiba lacagdhan 70 million oo Dollar..

Kooxahan ayaana safka hore uga jira Dhaq dhaqaqayada hubeesan ee ka jira meelo Caalamka katirsan, Wargeyska Forbes ayaana xusay in kooxahan hubeesan ay inta badan lacaga ku helaan qaabab kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here