Saxilnews.com
Akhri:-Abwaan Weedhsame Oo Maanso Ku Dhaliiley Labada Gole Ee Guurtida Iyo Wakiilada, “Caku Mudanahaygii,Mooryaantu, Dhaantoow,Dhiig Miirtihiiyoow”
February 13, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews):-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ayaa maanso uu ku dhaliilaayo u tiriyey golahayaasha wakiilada iyo guurtida somaliland oo shalay ansixiyey in saldhig milatari laga siiyo magaalada Berbera halkaasi oo ku dhawaad 144 mudane oo labada gole ka mid ahi ay HAA ugu codeeyeen in la siiyo Imaaraatka Carabta gudaha Somaliland.

Halkan Ka Akhriso Maansada

  • Caku mudanahaygii
  • Mooryaantu dhaantoow
  • Dhiig miirtihiiyoow
  • Kii loo mashxaradee
  • Isna nagu maqnaayee
  • Quus nagu macsuumoow.
  • Maxastiyo Adduunkii
  • Macaluul ku nooshiyo
  • Wadhatada miskiinta ah
  • Laga faro maroojiyey,
  • Sawtaad malaayiin
  • Moohaar ku gurateen,
  • Iimaan macbuud baa
  • Uur madhane buuxshee
  • Xaaraanta maandhoow
  • Ma mahadin hortaa jire.
  • Milladii islaamkiyo
  • Dhaartaad marteeniyo
  • Xaqa muuminiintiyo
  • Ducadii madluunkee
  • Toos loo maqlaayiyo
  • Mawdkiyo xabaashiyo
  • Munkar iyo nakiiriyo
  • Qabrigii madoobaa
  • Ee maro cad mooyee
  • Maal lala tegayniyo,
  • Muduciga qiyaamaha
  • Maxkamada ilaahay
  • Kugu maadsanaayiyo
  • Xaaraanta maandhoow
  • Cishadaa macaanayd
  • Muruqaad ku xoogtiyo
  • Midigtaad ku taabtiyo
  • Dhuuntii ad marisaa
  • Kugu marag furaysiyo
  • Mustafaha warkiisii
  • Moogaha illaawoow
  • Magac dhawristiiyo
  • Dhaqankii masuulnimo
  • Xil kaskiyo marwaadkii
  • Maydhaamihiiyoow,

Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”

COMMENTS
Latest News