Saxilnews.com
Agaasimihii Telefishanka Universal Qeybtiisa Somaliland Oo Goor Dhaweyd Xabsiga Laga Sii Daayey
February 27, 2018 - Written by indho indho

Hargeysa(Saxilnews.com)-Xukuumada Somaliland ayaa goor dhaweyd xabsiga dhexe ee magaalada

 Hargeysa ka sii deysay agaasimihii telefishanka Universal Qeybtiisa Somaliland Maxamed Caabi Digaale oo muddo 11 cisho ah xidhnaa

Qaar ka mid ah shaqaalaha telefishankaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyey sii deynta masuulkan waxaana lagu sii daayey damaanad

Sababta Xadhiga Maxamed Caabi Digaale ayay booliska Somaliland shegeen inuu salka kuhayay war oo Wakiil wareedka Tvga Universal ujooga Degmada Ceel Afweyn siidaayay kaasoo ka hadlaayay dadweyne ka cabanaya ciidamada qaranka iyo booliska ee Nabad ilaalinta ujooga deegaanka Dararweyne oo laba Beelood oo walalo ah diriri ku dhex martay.

Image result for Maxamed Caabi

COMMENTS
Latest News