Saxilnews.com
Agaasimihii Madaxtooyada Maamulka Puntland Oo Is Casilay + Sababta 
February 25, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Garoowe(Saxilnews):- Wararka naga soo gaadhay maamulka Puntland eeSomaliya waxaa ay sheegayan in uu goor dhaweyd is casilay agaasimihii madaxtooyda maamulkaasi muddane Deeq Saleeban

Si cad looma oga sababta uu isku casilay agaasimuhu balse warar soo gaadhaya shabakada Ilaysnews.com ayaa sheegayaan  in sababta uu isku casilay ay tahay sidii uu uga mid noqon lahaa gole wasiiro oo uu dhawaan magacaabi doono madaxweynaha maamulkaasi Cabdiwali Cali Gaas .

 

Muddane Deeq Saleeban agaasimihii hore ee madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxaa la sheegayaa in uu rajo ka qabo in uu ka mid noqdo wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabi doono raysal wasaaraha dalka Somaliya

Agaasimahan is casilay ayaa waxaa uu ahaa masuulkii ugu horeeyey ee uu magacaabey Madaxweyne Cali Gaas markii uu ku guuleystay talada Maamulkaas sanadkii 2014

COMMENTS
Latest News