Hargeysa (Saxilnews):- Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye Ayaa Furay Tartanka Ciyaaraha Chess-Ta Goboladda Somaliland Waxaa Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Daah Furayay Xafladdani Ka Soo Qaygalay,

Guddoomiyaha Xidhiidhka Ches-Ka Somaliland Mustafe C/Raxmaan C/Laahi Ku Xigeenkiisa Farxaan Xuseen Xuseen X Cali,Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Maxamed Nuux Iyo Dhamaan 14ka Gobol Ee Ku Tartamaya Chess-Ta.
Madashani Waxaa Ka Hadlay Ugu Horayn Farxaan Xuseen X Cali Oo Ah Guddoomiye Ku Xigeenka Chess-Ta Waxaanu Ku Dheeraaday Faa,Iidada Ay Ciyaartani U Leedahay Bulshadda Gaar Ahaan Koritaanka Maskaxda Oo Uu Sheegay In Ciyaartani Furfurto Maskaxda,

Waxaa Kaloo Uu Xusay In Dadaal Badan Oo Ay Sameeyeen Xidhiidh Ahaan Ay Maanta Soo Gaadhsiiyeen Heerkani Chess-Ta.
Ka Dib Waxaa Halkaasi Ka Hadlay Guddoomiyaha Xidhiidhka Chess-Ta Somaliland Mustafe C/Raxmaan C/Laahi Waxaanu Si Qoto Dheet U Faahfaahiyay Marxaladahii Kala Duwanaa Ee Uu Soo Maray Xidhiidhkani
Waxaanu Xusay In Dadaalka Ay Ugu Jiraan Kobcinta Da, Yarta Aanay Halkaasi Kaga Hadhay Balse Ay Sii Laba Laabi Doonaan

Geesta Kale Guddoomiye Mustafe C/Raxmaan C/Laahi Ayaa Ugu Bushaareeyay Dadka Jecel Chess-Ka In Ay Wadaan Qorshe Ay Ku Doonayaan In Ay Gaadhsiiyaan Dhamaan Goboladda Dalka.
Waxaa Iyaguna Halkaasi Ka Hadlay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Iyo La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Somaliland.

Gabagabadii Waxaa Hadalkaasi Soo Afmeeray Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Maxamed Xuseen Dhabeeye

Waxaan Tartamayaasha Kula Dardaarmay In Ay La Yimaadaan Ciyaar Wanaag Laga Dheehan Karo Asluub Iyo Daganaan, Waxaa Kale Uu Uu Ka Hadlay Mudane Dhabeeye Sidda Fiican Ee Uu U Shaqeeyo Xidhiidhkani Waxaanu Balan-Qaaday In Wasaaradd Ahaa Ay Ka Go,An Tahay In Ay Gacan Qabtaan Xidhiidhkani
Mudane Dhabeeye Ayaa Waxaa Uu Balan Qaaday In La Abaalmarin Doono Tartamayaasha Kaalmaha Hore Gala.







