Saxilnews.com
Agaasimaha Ciyaaraha Barcelona Ee Robert Fernández Oo Cadeeyay In Pedro Rodriguez Uu Codsaday Inuu Kooxda Ka Tago Isla Markaana Aanu Ciyaarin EUFA Super Cupka Iyo Man United Oo War Farxadleh Ka Heshay Arinta Pedro
August 11, 2015 - Written by admin

Spain(Saxilnews.com);Agaasimaha ciyaaraha kooxda Barcelona ee Robert Fernández ayaa hadda sheegay in xidiga diirada u saaran Man United ee Pedro Rodgiruez uu kooxdiisa Barcelona ka codsaday in loo ogolaado inuu kooxda ka tago isla markaana waxa uu ka cudur daartay inuu kulanka UEFA Super Cupka ciyaaro taas oo keentay in Luis Enrique uu shaxdiisa ku bilaabi waayay. Pedro

Luis Enrique ayaa booskii lafilayay in Pedro Rodriguez uu ku bilaaban doono ee shaxda kooxdiisa ku bilaabay Rafinha, waxayna arintani markii horeba shaki galinaysay mustaqbaka Pedro ee Barcelona balse agaasimaha Barcelona ee Robert Fernández ayaa shaaca ka qaaday in Pedro uu isaga u sheegay inuu kooxda ka tagayo.

Markii shaxda Barcelona laga waayay Pedro ayay qof kasta layaab ku noqotay waxaana arintan runteeda dibada soo dhigay agaasamaha ciyaaraha Barcelona ee Robert Fernández kaa soo yidhi: “Pedro waxa uu aniga ii sheegay inuu doonayo in uu kooxda ka tago.Anagu ma doonayno in aanu aqbalno dalab ka yar 30 milyan oo euro taas oo ah lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo, ma aha wax laga wada xaajoon karo.” masuulkan ayaa sidan u sheegay Tve.

Mahamed Hassan Adam(Faradeero)
WWW.Saxilnews.com

COMMENTS
Latest News