Saxilnews.com
Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Oo Si kulul U Cambaareeyey Maxbuus Madaxa Rasaas Lagala Dhacay Saldhiga ibraahim koodbuur oo hargeisa ku yaala
August 15, 2015 - Written by admin

Hargeysa( Saxilnews.com)- Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa si kulul u cambaareeyey fal naxdinle oo saaka aroornimadii hore ka dhacay saldhiga Booliska ee Ibraahim Koodbuur ee Hargeysa kadib markii Askari ka tirsan ilaalada Saldhigaasi rasaas madaxa kala dhacay Maxbuus xiligaasi la sheegay inuu hurdayba

Isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi”waxan halkan ka canbaaraynayaan falka lagula kacay saaka ardayga la yidhaahdo,Cabdilaahi Dayib Cabdi Korse oo maxbuus ku ahaa Saldhiga Degmadda Kood-buur oo uu Askari ka tirsan Booliska saldhigaasi rasaas ku furay isagoo ku jira qolka xabsiga ee saldhiga isagoo xiligaasi hurday.”

“Mar labaad waxaan halkan ka canbaararyaa falkaa bahalnimada ah ee Ciidanka boolisku kula kacaayo muwaadiniinta da’yarta ah, iyadoo la xasuusan yahay falkii maalmo ka hor ay ciidanka boolisku rasaasta ku gumaadeen qoyskii mujaahidka Axmed Jabaan ee lagu weeraray gurigoodii caruurtiina loo geystay dil iyo dhaawac.waxa hada ayaan daro weyn ah in saakana aynu maqalno falkan naxdinta weynle”

Dhinaca kale Afhayeenka Xisbiga WADANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa waxa uu ku baaqay in sharciga si degdeg ah loo horkeeno askariga falkan geystay

www.saxilnews.com

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News