Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta Ee SSJW Oo Ka Hadlay Xaalada Guud Ee Saxaafada

0
13

Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta Ee SSJW Oo Ka Hadlay Xaalada Guud Ee Saxaafada

Somaliland Iyo Tirada Wariyeyaasha La Xidhay Labadii Bilood Ee La Soo Dhaafay Ee Sanadkan

 

Hargeysa, March 7, 2015 () – Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan ee Somaliland ee (SSJW) Maxamed Ibraahim Sagax ayaa sheegay in sanadkan bilawga ahi uu Saxaafada Somaliland ugu bilaabmay tacadi, xadhig iyo cabudhin, kaas oo tilmaamay in labadii bilood ee la soo dhaafay ee sanadkan  in xukuumadu ay xidhay Suxufiyiin tiradoodu gaadhayso shan Suxufi.

Mr Sagax waxa uu sidoo kale tilmaamay in warbaahinta madaxbanaan ee Somaliland oo ah mid ay shacbiga reer Somaliland ka arkaan heerka ay marayso qadiyadooda Somaliland, kuna gudbin jireen waxyaalaha ay xukuumada ka tabanayaan iyagoo ku soo bandhigi jiray rayigooda iyo afkaartooda uu xiligan walaac badan ka qabo, faragalin iyo cabudhin ay xukuumadu ku hayso Warbaahinta awgeed.

Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan ee SSJW waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay u waramayay qaar ka mid ah Warbaahinta, isagoo ugu horayna ka hadlaya xaalada guud ee Warbaahnta Madaxabanaani ay xiligan ku sugan tahay ayaa waxa uu yidhi “Runtii xaalada iyo marxalada ay warbaahinta madaxabanaan iyo suxufiyiinteeda ka hawlgala Somaliland ay ku sugan yihiin wakhtigan xaadirka ah waa xaaladii ugu xumayd ee soo marta mudadaa 24-ka sanadood ahayd ee warbaahinta madaxabanaani ka hawlgalaysay Somaliland.

Waxa jira oo muuqda in laba wargeys oo madaxbanaan ay xayiran yihiin mudo laba sanadood ku dhaw, oo la iskugu daray xadhig iyo xayiraad iyo cago-juglayn, waxaanay noqonaysaa tacadigii ugu xumaa ee lagula kaco warbaahinta madaxbanaan ee Somaliland.

Labadaa wargeys ee madaxbanaan ee Hubaal iyo Haatuf waxa ka howlgali jiray shaqaale ka badan 40 qof oo iskugu jiray wariyeyaal iyo hawlwadeeno kaleba, waana nooc ka mid ah tacdiga. Waxaana muuqata in xoriyatal qawlkii iyo madaxbanaanidii saxaafada ee distoorka qaranku uu damaanad qaaday xukuumadu xabaashay”.

Afhayeenka SSJW Maxamed Ibraahim Sagax ayaa mar la waydiiyey Tirada Wariyeyaasha la xidhay labadii bilood ee la soo dhaafay ee Sanadkan 2015-ka ayaa waxa uu yidhi “Intii xukuumadan Kulmiye jirtay oo afar sano iyo dheeraad ah oo wakhtigeedu gabaabsi yahay waxa aynu ogayn in la xidhay suxufiyiintii ugu tirada badnaa intii Somaliland jirtay.

Labadan bilood ee sanadkan 2015-ka xukuumada Madaxweyne Siilaanyo waxay xidhay suxuifiyiin ku dhaw shan wariye oo ay ka mid yihiin Wariye Maxamed Cabdilaahi Soo-fadhiiste oo ka tirsan Shabakada Berbera Today iyo Telefishanka Somali Channel oo lagu xidhay Berbera, Wariye Axmed Diiriye Ciiltire oo ka tirsan Telefishanka Rayo, Booramaonline iyo Radio Hilaac oo lagu xidhay Boorama, Wariye Barkhad Maxamuud Geeddi oo ka tirsan Telefishanka Kalsan TV iyo bahda Sanaag Media oo lagu xidhay Ceerigaabo, Wariye Naasir Maxamed Aadan oo ka tirsan Bahda Wargeyska Xayiran ee Haatuf Iyo Wargeyska Hubaal oo markii Maxakamada Gobolka Hargeysi Fasaxday hadana dib xayiraad sharci daro ah loo saaray oo shacabka Somaliland ku noqotay layaab iyo af-kala qaad”.

Afhayeenka Ururka SSJW mar uu ka jawaabayey waxa u qorshaysan urur ahaan waxa uu ku jawaabay “Ururka SSJW waxa uu u taagan yahay difaaca suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta Somaliland, gaar ahaan kuwa loo gaysto dacadiyada oo uu cambaareeyo. Waxa kale oo qorshaha noogu jira in aanu suxufiyiinta u samayno tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda saxaafadeed”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here