Saxilnews.com
AFHAYEENKA CIIDDANKA BOOLISKA OO KA HADLAY HAWL-GALLO AY SAMEEYEEN IYO MEHERRADO RUQSADDII LAGA QAADDAY
February 10, 2018 - Written by editor

Hargaysa(saxilnews.com):-Afhayeenka Ciiddanka Booliska Somaliland Gaashaanle sarre Faysal Xiis Cilmi, ayaa ka hadlay Gaadhi Dhaynne ah oo siday Mukhaaddiraadka dareeraha ah, kaasoo laga soo qabtay Duleedka magaalada Abbaarso ee galbeedka magaalada Hargaysa.

Gaashaanle sarre Faysal Xiis Cilmi oo Warbaahinta la hadlay, ayaa ka waramay hawl-gallo ay ka fulliyeen gudaha magaalada Hargaysa, waxaannu isagoo arrimahaas ka hadlaaya uu yidhi

“Ciiddanka Boolisku isagoo ku gudo-jira Waajibaadkiisa qaran waxay halkaas Abbaarso ka soo qabteen Gaadhi Dhaynne ah oo Taarikaddiisu tahay 14968. Gaadhigaasi waxa uu galbeedka ka soo qaaddaa Caannaha, waxaannay soo dhex-geliyeen Mukhaaddiraad ilaa 80 Littir ah, Isbiirtaddaa waxa la soo
dhex-geliyay Caannihii Dadka laga iibinnaayay, Ciiddanka Boolisku isagoo guddanaaya Waajibaadkiisa waxa uu gacanta ku soo dhigay gaadhigaas.” Ayuu yidhi Afhayeenka Ciiddanka Booliska Somaliland Faysal Xiis Cilmi

Waxaannu intaas raaciyay “Ninkii darawalka ahaa iyo gacan-yarrihiiba waxay ku xidhan yihiin Saldhiga degmadda Koodbuur, waxaanna si deg-deg ah loo gayn doonnaa Maxkamadda iyo Xeer Ilaalinta awoodda u leh. Hadda ka hor Ciiddanka Boolisku waxay qabteen Niman Farmasiiyo haysta oo Dhalinyaradda ka iibin jirey xidhmooyin isbiirto ah, iyagoo kaga iibin jirey Lacago yar, waxaannay Ciiddanka Boolisku ay hor geeyeen Maxkamadda, dabaddeed-nna waxa laga qaadday Ruqsaddii uu ku furtay Farmasiga.” Ayuu yidhi Afhayeenka Ciiddanka Boolisku.

Afhayeenka Ciiddanka Boolisku Faysal Xiis Cilmi waxa uu bulshadda Somaliland ka codsadday inay la shaqeeyaan oo ay gacan siiyaan Ciiddammada Booliska si ay hawlahoodda u gutaan, waxaannu yidhi “Guud ahaan Shacabka Somaliland waa dad fiican oo si wacan ula shaqeeya Ciiddanka Booliska, waanan u mahad-celinnayaa meelkasta oo ay joogaan. Waxaan u soo jeeddinayaa Gaadiidleyda waxaan leeyahay Ninkii soo qaadda ee lagu qabto noocyadda kala duwan ee Mukhaadarraadka waxa uu mutaysan doonnaa Ciqaab aad u adag, waxaannu la mid yahay ka isagu watay ee soo saartay.” Ayuu yidhi Afhayeenka Ciiddanka Booliska Somaliland.

Abdiqani Abdillaahi Ahmed (Asporo)

COMMENTS
Latest News