Saxilnews.com
Abwaan Reer Berbera Oo Ka Gabyay Xaalada Cabudhineed ee Wariyaasha Gobolka Saaxil Lagu Hayo Uguna Imaneysa Maamulka Gobolka Saxil Iyo Xukuumada Sare
May 26, 2016 - Written by admin

Abwaan Reer Berbera Oo Ka Gabyay Xaalada Cabudhineed ee Wariyaasha Gobolka Saaxil Lagu Hayo Uguna Imaneysa Maamulka Gobolka Saxil Iyo Xukuumada Sare Xil Saleeban Cali Kheyrana Ku Tilmaamay Geesi Maalintii Uu Lahaa Dagaalamaya Ruuxaan is dulayn rabi ma duleeyo………
Mee Aqoonyahankii. Hogaamiyihii. Ragii. Haweenkii. Dhaliinyarii. Damiirkiinii muu dhintay.
Reer Somaliland oo dhan ma. Xildhibaan Saleebaan Cali Khayraa ka hadhay.
Waa waa ereyo ka mida (Dayac)…..

Ruuxii damiirlihi.
Dekedaa berbera iyo.
Danta guud ma iibsheen.
Dilaal kama ahaadeen.
Oo shidheeya daalina.
Dulin iyo habaar qabe.
Daba dhilif u hiishiyo.
Uma doodo nacabkee.
Dalka aayihiisiyo.
Dakhligiyo hantida guud.
Dadku uu simanyahay.
Dulmi uma horseedeen.
Saleebaan dabuubtiyo.
Dulucdii warkaagii.
Way na deeqday geesiye.
Waxaad tahay hal dooriyo.
Kaan ku diirsanaynoo.
Hadalkaagu diifiyo.
Qamuunyada iyo digashada.
Dabkuu wuu bakhtiinoo.
Waanku diirsanaynaa.
Doorashada kuwii galay.
Degmadana matali jiray.
Doorkoodii gabe oo.
Shilimay ka doorteen.
Adaa duubka noo sida.
Maantana u dooroon.
Dedaalkaaga garabiyo.
Hanti iyo dagaaliyo.
Kolay duco ahaataba.
Dabadaan joognaa.
Adiguna dedaalkiyo.
Dabka erey ka kululiyo.
Xaqa daw ka dhiga oo.
U dagaalan maatida.
……………… maxamed cismaan cali gamuute …………

COMMENTS
Latest News