Gudoomiye ku xigeenka gobolka togdheer Mudane Maxamed Diiriye Xayd oo shabakada wararka Ramaasnews khadka telefoonka kula xidhiidhay si ay wax uga waydiiso arrinkan ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay heerka ay wakhtigan marayso abaaraha ku dhuftay deegaanada gobolada bariga somaliland isaga oo sheegay in habeenimadii xalay loo soo sheegay dhimashada wiilkaa yar ee da’diisu tahay 12 jir isla markaana u dhintay haraad iyo biyo la’aan darteed.
Gudoomiyaha oo ka hadlaya arrimahasi ayaa waxa uu yidhi sida tan
“Haa way jirtaa dhimashada wiilkaa yar xalaa warkaa nala soo siiyay baadi doon ayuu ahaa oo wuxuu raadinayay geel,markaa Haraad iyo biyo la’aan ayuu u dhintay,dadka deegaanadaa degeni aad iyo aad ayuu u balaadhan yihiin,deegaanka Coodanle 12 Km waxa degen ilaa sodon kun oo qoys (30,000) kuwaasi oo ka kala yimi meelo fog fog,waxa kala badan baaxadii iyo dadka degan,dadku markay soo guuraan gawaadhida dhinaca ayay kaga xidhaan weelka,weelkiina dhirta ayaa kala hadhay,dhigihii guryaha dhirtaa kala hadhay,haraad ayaa ka jira oo hadda biyaha sidaas Ayaan isku daba wadnaa kuma filna,waxa weeye sidaa markaa u dhigto ayaa biyihii la kala boobayaa markaa xaalada dadkaas aad iyo aad ayay u culus tahay”
Gudoomiyaha ayaa sidoo mar aanu waydiinay in gurmad deg deg ah loo fidiyay dadkaasi waxa uu yidhi
“gurmadku maba kala go’in ilaa daraad kun iyo afar boqol oo qoys Ayaan usoo qaybinay raashin,xaloo kaliya 20 booyadood oo biyo ah Ayaan dirnay markaa dadkii ayaa aad u fara badan waxna ku filnaan maayaan”sidaas ayuu yidhi Maxamed Diiriye Xayd.
Dhanka kalena gudoomiye ku xigeenka mar aanu waydiinay safarka uu saaka madaxwayne Siilaanyo ugu baxay deegaanka Coodanle ee gobolka buuhoodle oo ah deegaan ay iskugu yimaadeen qoysas fara badan oo reer guuraa ah oo kasoo kala hayaamay degaano kala fog fog in dadkaasi uu gurmad gaadhsiinayo iyo in uu kormeer ugu tagayo ayaa waxa uu ku jawaabay
“Madaxwaynuhu shalay oo uu tagay Oodwayne iyo saaka oo uu tagay coodanle intaaba gurmad ayuu siday oo dadkaasi ayuu u gurmanaya,gudida abaaraha ayaa iyaguna meesha maraya oo la socda biyo iyo baadba waxii awood ah ee la gaadhsiin karo waa la wadaa baad iyo biyoba waxbana lagama hakran ee dadkii iyo gurmadkii ayaa kala badan”sidaas ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka gobolka togdher oo ay khadka telefoonka kula xidhiidhay shabakada wararka Ramaasnews.
Gabagabadiina abaaraha baahsan ee ku dhuftay deegaanada gobolada bariga Somaliland ayaa ah kuwo saameeyey dad iyo duunyada ku dhaqan deegaanadaasi waxaana loo baahan yahay gurmad iyo kaalmo deg deg ah oo la gaadhsiiyo dadkaasi si ay uga samata baxaan abaaraha galaaftay nafaha xoolo badan hadana maraysa dhimashada dadka.







