AASAASIHII SHABAKADA WIKILEAKS OO INTERNETKA LAGA XIDHAY + SABABTA

0
22

 

Wikileaks ayaa ku eedeysey dalka ikwadoor  in ay Internetka ka xidheen ninka asaasey ururkka Wikileaks Julian Assange oo deggan Safaaradda IKWADOOR   ee magaalada London.

 

Wikileaks ayaa la xidhiidhsay  sababta Assange looga xidhey Internetka kadib amarkii hay’adoodu ay daabacdey Emailo laga xadey Musharaxa Xisbiga Dimqoraadiga Hillary Clinton.

” Waxaan caddeyneynaa in maamulka Ecuador ay ka xidhtey Internetka Julian Assange, maalintii Sabtida saacaddu markey ahayd 17:00 ”  sidaas waxaa barta Twitterka ku yidhi Wikileaks.

julian Assange ayaa deganaa gudaha safaarada Ecuador ee magaalada London muddo afar sano ah, kadib markii denbi looga soo oogay dalka Sweden, Booliska Ingriiska ayaa isku dayey xiliga uu baxsanaayey in ay u dhiibaan dalka Sweden oo looga shaki qabo in ay u gudbin doonaan Maraykanka oo aad u raadinaya asaasaha Wikileaks.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here