Hargeisa (SAXILNEWS)_Ma Runbaa in Labadii Wasiir ee ugu Miisaanka Cuslaa Wasiirada Kuhadhay Madaxwayne Siilaanyo, Wasiir Samsam- Wasiir Cakuse Iscasilayaan Maalinta Sabtida ah? Somalilandlive Media / Warar Hordhaca oo Soo Gaadhay Xafiiska Shabakada Saxilnews ayaa Sheegaya in Labada Wasiir ee ugu Meesaanka Culus Wasiirada Kuhadhay Madaxwayne Siilaanyo ay iyaguna Qorshanayaan in ay Si Wada Jir ah uga Huleelaan Xarunta Madaxtooyada Maalinta Sabtida ah Galinka Hore Sida Qorshaha Lagu Wado, Labadan Wasiir oo kala ah Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aaden iyo Wasiir Warfaafinta Cabdilaahi Cakuse Labada Wasiir ayaa Sida Xoguhu Uxaqiijiyeen Saxilnews Isla Qaatay in ay Si Wadajir ah iskucasilaan, inkasta oo Duruufo kala Duwan ay labada Masuulba Katirsanayaan Madaxtooyada hadana Waxa Islaqaateen in ay Kadaba Tagaan Garabka Kulmiye ee Dabad Wareega ah.
Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi ayaan Iyadu Qarsan Taageerada ay Uhayso Musharax Samaale Kaas oo ay isku Afseegeen Marwada Madaxwayne Siilaanyo Lasocodkiisa
Wasiir Cakuse ayaa Isna Sida Lasheegayo Ka Xaqnaaqay Awoodiisa Wasiirnimo ee Dhawr Meelood Lookala Dhantaalay Waxana Kulan uu Habeen Hore Laqaatay Madaxwayne Siilaanyo iyo marwo Aamin Waris uu ka Codsaday in Dib loogu Sooceliyo maamulka Tv-ga Qaranka oo Isaga oo Maamulkiisa Hore Looga Saaray, Sidoo kalana Waxa uu Marwada Ka Dalbaday in ay Wax Kaqabato Dhaliinyarada ay Wasaarada Keentay ee Amar Kutaaglaynta Wada Isaga oo Dalbaday In Maamulka Wasaaradiisa Faraha Looga Qaado, Balse Waxa Codsigan Ka Gaws Adaygtay Marwada oo Sida Lasheegay Hadal aan Badnayn Kutidhi Cabdilaahow– Sidaadi Hore Shaqada Uwado Wax Labadalo iyo Wax lakala Dheegayaa Toona Majirto-e
Waxana ay Arintani kacadhaysiisay Wasiir Cakuse Waana Sababta Loobadinayo in uu Maalinta Sabtida ah isku Casilo, Inkasta oo aanu Wasiir Cakuse Saaxiibo Dhaw Kulahayn Garabka Debed Wareega ah ee Dhawaanta Iscasilay ,Sidoo kalana uu Dhawaan Dhistay Guri Wayn oo Qayb Kamid ah uu Dayn Kusii Dhisay Isaga oo Naawilayay in Sanadka Iyo Badhka U hadhsan Xukuumada Siilaanyo in uu Iska Bixiyo Daynta Lasheegay in ay Shirkada Al Najax Constructioncompany Uhaysato Wasiirka Dayntaas ooo Kaga Hadhay Guri ay Dhawaan Ubinaysay Shirkadu Wasiirka, Inkasta oo ay Duruufahaas Adagi Kuxeeran Yiin Wasiir Cakuse Hadana Waxa Lasheegay in ay Kasoo Goday In uu Iscasilo Wasiirku.
berbera2002@gmail.com