DABLAY HUBAYSAN OO WEERARTAY GURIGA BADHASAABKA AWDAL, ASKAR LA DILAY IYO XOGAHA LA HELAY

0
20
Boorama (Saxilnews)-Wararka naga soo gaadhay magaalada Boorama ayaa sheegay in habeenkii xalay ahaa ay Dablay la rumaysan yahay inay kamid yihiin jabhada uu hoggaamiyo suldaan wabar ay waagi kudhawaadkii weerar ku soo qaaday guriga badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax,halkaas oo uu dagaal koobani ku dhexmaray ilaaladii badhasaabka iyo kooxdii weerarka soo qaaday.
Weerarkan ayaa waxa ka dhashay khasaare kale duwan oo dhimasho iyo dhawacba leh, iyadoo ay ku geeriyoodeen alle ha u naxariistee laba ka mid ahaa ilaalada badhasaab Ramaax ,halka ay labo kalena ku dhawaacmeen, kuwaas oo lagu dawaaweynayo cisbitaalka guud ee magaalada Boorama, balse waxa aan cadayn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo gaadhay kooxda weerarka soo qaaday ee Jabhada Suldaan Wabar.
Dhan kale kooxdii weerarka soo Qaaday  ee iyo ciidamada Qaranka somaliland ayaa wuxuu dagaal ku dhexmarayaa duleedka koonfureen ee magaalada Booram gaar ahaana gudaha xadka itoobiya, waxaanay gudaha magaalada Boorama laga  maqlayaa hadda  dhawaqa Rasaasta ay labada dhinac is weydaar sanayaan.
Kal Soco Faah Faahin Dheeri Ah Iyo Wixii ka soo kordh Warkaasi oo isha ku hay Saxilnews.com Goor walba iyo goob kasta ood joogtaan.
maxamed xasan 
saxilnews.com
xafiiska boorame

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here