Agaasimaha Guud ee Amniga Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, Ibraahim Cali Ismaaciil ayaa furay shir ku saabsan kulan wadaaga Amniga

0
44

Agaasimaha Guud ee Amniga Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, Ibraahim Cali Ismaaciil ayaa furay shir ku saabsan kulan wadaaga Amniga, (Security Sub-sector meeting), shirkaas oo ahaa mid saddexdii biloodba mar la qabto, isla markaasna diirada lagu saaro hanaanka amniga iyo maamul wanaaga.

Ujeedada shirkan waxaa faahfaahin ka siiyey ka soo qayb galayaasha kusimaha Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdisamid Dayib Cabdi, oo sheegay shirkani yahay mid muhiim ah oo lagu qiimaynayo wixii ka soo baxay shirarkii hore iyo arimaha lagaga haddlayo shirkan maant, oo ku saabsan dhamaystirka qorshaha guud ee Qaranka NDP – 3.

Agaasimaha Guud ee Amniga Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, Ibraahim Cali Ismaaciil oo furay shirkan ayaa ku booriyey ka soo qayb galayaasha in ay ka soo baxaan shirkan Qodobo waxtar leh.

Waxaa kale shirkankan ka soo qayb galay Wasaarada Gaashaandhiga JSL, Laamaha kala duwan ee amniga, International Donors, UN Agencies, Local NGO’s ka iyo ururada bulshada Rayidka ah.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here