Agaasimaha Guud ee wasaarada horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha jsl iyo wafti balaadhan oo ka socda dalka Maraykanka ayaa Socdaal ku tagay Xeebaha Gobolka awdal

0
20

Agaasimaha Guud ee wasaarada horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha jsl Md.Max’ed Cismaan Siciid iyo wafti balaadhan oo ka socda dalka Maraykanka ayaa Socdaal ku tagay Xeebaha Gobolka Awdal.

Weftigan oo ah Madax kasocota Shirkada Deep Geo INC ayaa booqasho taariikhi ah ku yimid Jamhuuriyada Soomaliland Maalintii shalay oo ay taariikhu ahayd 18/07/2022 .

Weftigan ka socda Dalka Maraykanka Oo Socdaal ku Mari doono xeebaha kala duwan ee Jamhuuriyada Soomaliland Ayaa ka kooban Afar xubnood oo socda Shirkada maraykanka ah ee magaceeda la yiraahdo Deep Geo INC kuwaasi oo u dhashay wadanka maraykanka.

Waftiga uu Agaasimuhu horkacayey ayaa shalay Subaxii u kacatimay xeebaha Gobolka Awdal gaar ahaan degmada lughaya. waxaanay indho indhayn iyo xog ururin ku soo Mareen xeebta Lughaya, dhinaca bada iyo deegaanada ku hareeraysan.

Waftiga oo xalay Hargaysa ku soo guryo noqday ayaa la filayaa inay booqasho ku tagaan xeebta Berbera maalmaha soo socda.
Shirkada ayaa waxay ku hawlan tahay in ay dunida ka hirgaliso Tamar nadiif ah oo aan deegaanka wax dhiba yeelanin, sixirka qiimeeduna aad u yaryahay.

Waxaanay Masuuliyiinta Wasaaradda Maalgashigu sheegeen in Shirkadu ay Soomaaliland u timid in ay la kulanto madaxda dalka ugu sarsaraysa, xogna ka hesho jiritaanka iyo hirgalinta tamarta dabiiciga ah ee laga dhaliyo dhulka iyo macdanaha dhulka hoostiisa ku jira.

Waftigan ayaa Soomaliland joogi doona muda isbuuc ah, kulamo kala duwana la yeelan doona qaybaha dawlada. Waftigu waxa kale oo uu booqan doonaa goobo ka mida dhulka jamhuuriyada Soomaliland si ay helaan macluumaadka ay raadinayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here