Da’yarta muslimiinta UK oo la barayo sida maydka loo dhaqo

0
28
Dumarka da'da yar ee Muslimiinta ee la barayo sida maydka loo dhaqo

Waxaa dalka UK laga bilaabay qorshe cusub oo da’yarta muslimiinta dalkaasi lagu barayo sida maydadka loo dhaqo, iyada oo la waafajinayo sida ay diinta islaamka qabto.

Qorshahan ayaa ka kooban dhaqista iyo kafanta ayaa ah waajibaadka diiniga ah ee la doonayo in la marsiiyo qofka muslimka ah ee geeriyooda.

Ka hor inta uusan soo ifbixin safmarka Karoonaha, waxaa hawshan qaban jirey dadka waaweyn, balse hadda baqdin laga qabo cudurkan ayay dadkii waaweynaa dib uga istaageen hawsha, maadaamaa ay iyaga u nugulyihiin cudurka.

Sidaasi awgeed, da’yarta oo markii hore aanan loo baahan jirin ayaa hadda wada barashada sida maydadka loo dhaqo, loo kafno, loona duugo.

Hormuudka qorshahan Taxriim Nuur ayaa laanta Aasiya ee BBC-da u sheegay in tabobaradan ay yimaadeen kadib markii ay koradhay dhimashada dadka cudurka awgiis, loona baahday dad intii hore ka badan oo hawsha duugista barta.

Inta badan dhaqista maydka waxaa sameeya qof ka tirsan qoyska laga geeriyooday, kuwaas oo isku jinsi ah, iyada oo la dhawrayo sharafta iyo karaamada maydka.

Tabobarkii la qabtay waxaa ka qeybgalay 90 qof

XIGASHADA SAWIRKA,.

Qoraalka sawirka,Tabobarkii la qabtay waxaa ka qeybgalay 90 qof

Sida uu sheegtay Salma Patel, illaa 6 qof oo mutadawiciin ah ayaa loo baahanyahay si hal mayd loo dhaqo, iyada oo intaasi ku dartay in safmarka awgiis qoysas badan ay fursad u waayeen in ay dhaqaan qofka ehelkooda ah ee geeriyooday.

Sida ay soo saareen guddiga muslimiinta UK , waxaa jira hab-raac cusub oo la xiriira sida loo dhaqayo qofka Karoonaha u dhinta, si loo illaaliyo badqabka dadka nool.

Illaa 90 dumar ah ayaa kasoo qeybgalay siminaarkii koowaad oo London lagu qabtay, ee lagu baranayo sida maydadka loo dhaqo.

Sumaya oo ka mid ah dumarkii kasoo qeybgalay ayaa sheegtay in aysan horey uga warqabin in maro lagu asturo cawrada qofka dhintay inta hawsha socoto, sababtoo ah waxa ay waligeedba ka welwelsanayd asturnaanteeda marka ay geeriyooto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here